18 TALO OO KU SAABSAN BARBAARINTA CARUURTA

0
Thursday July 23, 2015 - 17:26:52 in Wararka by
  • Visits: 3792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    18 TALO OO KU SAABSAN BARBAARINTA CARUURTA

    HORDHAC: Caruur barbaarintu waa xirfad ay waariddiintu is dheer yahiin. Sida xirfadaha kale oo dhan, qofkii barta barbaarinta hagaagsan ee caruurta, waxaa inta badan laga gartaa caruurta uu tarbiyeeyay. Waayo xigmad caan ah ayaa oranaysa: "Q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HORDHAC: Caruur barbaarintu waa xirfad ay waariddiintu is dheer yahiin. Sida xirfadaha kale oo dhan, qofkii barta barbaarinta hagaagsan ee caruurta, waxaa inta badan laga gartaa caruurta uu tarbiyeeyay. Waayo xigmad caan ah ayaa oranaysa: "Qof waxuu bixiyaa, waxuu hayo!". Sidee ayuu waarid ilmahiisa si wanaagsan ugu barbarian karaa, hadii aanu ogayn ama aqoon waajibka saran?

Caruur badan ayaa maanta ku sugan xaalad aad looga naxo, akhlaaq ahaan, diin ahaan, waxbarasho iyo bulsho ahaanba. Taasna micnaheedu ma ahan in ay ilmahu xumaan ku dhasheen, ee waxay u badan tahay, in ay soo barbaariyeen waaridiin dayacay ilmaha ama kuwo aan aqoon u lahayn barbaarinta haboon ee caruurta. Bulsho xunna ma jirto ee waxaa jiro bulsho ka kooban qoysas aan aqoon u lahayn sida caruurta loo barbaariyo. Dabcan dhalintaa aan la tarbiyadayn waxay mushtamaca ku tahay dhaawac wayn oo khatar ku ah diinta iyo dhismaha bulshadaba.

Halkaan waxaad ka helaysaa talooyin kaa caawiya sidii aad u barbaarin lahayd caruur ku korta mabaadi’da Islaamka.

18 TALO

1- Guurso qof diin leh: Talada ugu horaysa ee barbaarinta caruurtu waa inaad marka horeba guursato qof diin leh. Diintu waa waxa ugu muhiimsan ee qof lagu doorto. Abu Hurairah, radiallahu ‘anhu, waxuu wariyay in Rasuulku, sallallaahu ‘alaihi wa sallam, yiri: "Dumar waxaa loo guursadaa afar shay: xoolaheeda, magaca qoyskeeda, quruxdeeda iyo diinteeda. Marka doorta dumarka diinta leh, hadii aydnaan rabin inaad khasaartaan.” [Bukhari iyo Muslim.] Doorashada xaasku dhaqmaya mabaadii’da Islaamku waxuu maalinta ugu horaysaba kula aas-aasayaa guri ku dhisan diinta Islaamka, ilmahuna dhaqan xumo kama baranayaan.

La soco Q.2aad

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip