Maxaa khaldamay? (W.Q. Umayma Cabdillaahi Ciise Good)

0
Tuesday July 28, 2015 - 16:30:38 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa khaldamay? (W.Q. Umayma Cabdillaahi Ciise Good)

    Saameyntii Galbeedka iyo falcelintii Barigga Dhexe Marka hore Ilaahay ayaa mahad iska leh isagaana arrinkasta suurogeliya. Waxa la hubaa in dhacdooyinka adduunka maanta ka jiraa ay yihiin qaar hore uga soo dhacay, ama sal ku leh wakhti tagay, waay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saameyntii Galbeedka iyo falcelintii Barigga Dhexe Marka hore Ilaahay ayaa mahad iska leh isagaana arrinkasta suurogeliya. Waxa la hubaa in dhacdooyinka adduunka maanta ka jiraa ay yihiin qaar hore uga soo dhacay, ama sal ku leh wakhti tagay, waayo taariikhdu iyadaa is xusta, waana arrin xiise gaara leh in la baadho taariikhda is beddelaysa iyo ilbaxnimada is dabamaraysa.

Bernardo Lewis waa qoraa Ingiriisi-Maraykan ah (British-America) oo ku takhasussy Barriga Dhexe in badana falanqeeya arrimaha iyo taariikhda islaamka. Wuxu qoray buugaag tiro badan oo uu kaga hadlayo Islaamka iyo arrimaha Bariga Dhexe, wuxuna soo jeediyey su’aal is-weydiin mudan oo qof kasta oo taariikhda iyo xaddaaradda Islaamka wax ka garanayaa uu maanka ku hayo.

Ka dib wakhti dheer oo ay xaddaaradda Islaamku abuurtay Ilbaxnimo ballaadhan oo hoggaaminaysa horumarka adduunka ayaa maanta wax waliba is beddeleen oo hoggaankii waxa la wareegtay xaddaaradda Galbeedka. Sababta dhalisay isbeddelkan in la ogaado waa ta keentay in Bernardo Lewis uu hanto akhriste kasta oo jawaabteeda raadinaya.

Horraantii 2002-dii Bernardo Lewis wuxu daabacay buug uu ugu magac-daray "Maxaa Khaldamay (What Went Wrong)? Isku-dhaca Islaamka iyo casriyeynta Bariga Dhexe.” Wuxu noqday buuggii ugu iibsiga badnaa isaga oo ku soo beegmay wax yar ka dib dhacdadii 11-kii Sebtember. Dad badan ayaa rajo ka qabay in ay jawaab ka helaan buugga si ay wax uun uga fahmaan cuqdadda dhacdadaas keentay. Markii aan akhriyey buugga iima uu qancin si la mid ah sida mawduuca uu huwan yahay ii soo jiitey, balse way ila mudnaan wayday in aan dhaafo wax uu qoray Bernardo Lewis.

Inta hore buugga Bernardo waxa uu aad uga sheekaynayaa taariikhdii iyo Ilbaxnimadii sarraysay ee Islaamku gaadhay. In ka badan 1000 sanno ama ku dhawaad 12 qarni, qarnigii 7aad ilaa qarnigii 18aad, Islaamku waxa uu hadheeyey dhammaan qaybaha kala duwan ee nolosha Ibnu-Aadmiga hadday tahay siyaasad, dhaqaale, awood milatari, aqoon, falsafad, arrimo bulsho, kuwo dhaqan, diineed iyo guud ahaan hab-fekerka dadka oo uu saamayn ku yeeshay, noqdayna xaddaaradda keliya ee wax walba loola noqdo.

Muddo ka dib wax waliba waa isbeddeleen haddii ay tahay siyaasad, dhaqan, dhaqaale, arrimo bulsho iyo aqoontiiba waxa la wareegay dad aan ahayn Islaam. Waxan dhacday in calankii iyo sarreyntii Islaamku dhulka galaan isla markaana xaddaaradda Galbeedku soo if baxdo. Waxa ka bilaabantay in Islaamka milatari ahaan loo jabiyo oo goobihi dagaalka lagu jabiyo, ilaa laga tirey fagaarihii oo bareyaashii Islaamka ee sayniska iyo duurusta iyagii dib loogu noqdey bareyaal.

Xiligii reer galbeedku xadaarad dhisayeen ayaa Islaamka Ilbaxnimadiisii dib u gurato, waana halka la is weydiinayo Maxaa Khaldamey?

Jawaab-u-helidda su’aashan ayaa waxa uu odaygu is barbar dhigayaa xaddaaradda galbeedka ee koreysay -dhaqaale ahaan, iyo tan Islaamka oo u muuqatey in ay dib u hadhayso. Waxa uu si guud u sheegay kuna sababeeyey afartan qodob:

Xilligii baraarugga ay ku jireen wadammada Galbeedka Yurub bulshadda Islaamku waxa ay badhaadhe ka gaadheen waxbarashada iyo sayniska oo ku koobnaa dhexdooda. Halka dadka reer Yurub daneynayeen barashadda iyo is dhexgalka Bariga Dhexe dadka Islaamku ay yareyd xiisaha ay u qabeen reer galbeedka.
Waxa uu Lewis qoray in Qur’aanka iyo shareecada Islaamku ay bannaysay is-addoonsiga, sinnaan-la’aanta dumarka iyo ragga iyo habka loola dhaqmo dadka aan muslimiinta ahayn oo ay kaga hormareen reer galbeedku.
In reer galbeedku ay laba u kala saareen diinta iyo dawladda halka dawladaha Islaamku ilaa maanta aanay kala saarin diinta iyo dawladda.
Markii ay hoggaamiyeyaashii Islaamku ogaadeen in laga tagay waxa ay bilaabeen in ay soo dhoofsadaan agabka iyo tignoolajiyadda reer galbeedka.
Waxa se yaab noqotay in iyadoo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo ahayd dawladdi ugu danbaysay ee ugu awoodda badnayd ay xiidhiidho ganacsi la lahayd dawladihii Yurub, oo ay xiitaa wax kala amaahan jireen uu Lewis haddana ku doodayo in muslimiintu ka gaabsadeen in ay wax ka bartaan.

Haddii ay tani run tahay oo ay muslimiintu ka dhago-xidheen horumarka reer galbeedka miyaanu Axmed Muxiddin Biri oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Turkiga ahayn kii dajiyey khariidaddii Marayka qarnigii 16aad oo ugu saxsanayd khariidad dib loo tixraaco. Waxa sidoo kale jirey xidhiidh diblomaasiyadeed oo u dhexeeyay Cusmaniyiintii iyo dawladdihii Yurub, in kabadan 68 heshiisna ay wada galeen.

Arrinta kale ee Lewis ku sheegay in dib-u-dhaca Islaamku ay tahay sinnaan la’aanta dumarka iyo ragga oo ay reer galbeedku kaga tageen wuxu ilduufayaa in dumarka Muslimiintu ay ka mudanayeen ka kartina u lahaayeen in ay helaan hanka ay leeyihiin. Halka dumarka musliintu ay awood u lahaayeen hantidooda gaarka ah iskoodna u shaqaysan karayeen, dumarka reer Yurub gaar ahaan kuwa la qabo ama xaasleyda ah malahayn xaq ay ku yeeshaan hanti u gaar ah ilaa laga soo gaadhayey 1882.

Waxa uu buuggu aad uga hadlayaa in dawladda Cusmaniyiintu milatiri ahaan daciiftey, balse Lewis way yar tahay inta wax uu ka qorey xilligii milatariga Islaamku ugu awoodda badnaa qarnigii 15aad ilaa 16aad, mana jirto taariikh sheegaysa in marnba laga qalab casrisanaa milatariga dawladdi Cusmaaniyiinta ilaa qarnigii 17aad. Waxaan sabab u ahaa baahida reer Yurub u qabeen hubka iyo millartariga dagaallo dhexdooda ka socdey awgeed.

Horraantii qarnigii 19aad dawaladdii Cusmaaniyiintu waxa ay lumisay dhulkii ay ka haysatey Yurub, iyo maamulkii Carabta. Wixii ka danbeeyay dagaalkii 1aad ee adduunka, 1922-kii, ayaa Turkigu ku guulaystay in uu dib u dhiso dal jira isla markaana uu dib u soo cesheday dhulkii Giriigga, Farasiiska iyo Amaariyaanka oo ka qabsadey badhtamaha iyo waqooyiga Anatooliya.

Sidoo kale Iiraan waxa ay ku guulaysatay in ay dhisanto in kastoo ay dhul iyo dhaqaaleba ay ku lumisay. Marka aynu barbar dhigno dib-u-dhiska dalalka waxa ay ka wanagsanayeen dawlado ku fashilmey ina ya iska caabiyaan guumaysitihii Yurub.

Inkasta oo ay jirtey hawl-gab ku dhacay warshadaha Masar oo ka dhashay in lawaayey dhuxuldhagaxdii tamarta laga dhalinayey, waxa warshadahani hormood u ahaayeen dunida in muddo ah, waxana ka shaqayn jiray in ka badan 40,000 oo shaqale ah. Sidoo kale warshadda sameynta dharka iyo xariirta ee Lubnaan waxa ay gaadhey guul muddo 40 sanno oo ay si wanaagsan u shaqaynaysay, haddana way yar tahay sharax buugu ka bixiyey.

Waxaynu oganahay in fikradda cilmaaniyadu soo ifbaxadey 16aad taas oo ah in diinta iyo dawladdu laba kala yihiin. Waxay reer galbeedku kala saareen diintii iyo dawladdii, waxa ay ka xoroobeen tacaddigii iyo cadaadiskii diinta loogu gabanaayey, haddaba marka loo eego Islaamka, oo ah Ilbaxnimo ku aasaasantay Masaajid (goob cibaado) kuna dhisantay fikir diineed ayaa haddana Lewis dib-u-dhaca Islaamka u aanaynayaa kala-saarid la’aanta shareecada iyo dawladda.

Arrinta kale waxa weeyi casriyeynta oo ahayd in dawladaha Islaamku ay qataan fikradaha reer galbeedka. Lewis wuxu qoray in falcelintii Muslimintu ay noqotey qayb casriyaynta oggolaatay iyo qayb ka hor timd. Kuwo u arka in Islaamku u kori karo iskii iyada oo aan tixgelin la siin waxyaabaha ku hareerayaan iyo isbedellada maadiga ah ee bulshada ku dhacaya iyo kuwa ku baraarugay xaaladaha ku xeeran bulshada Muslimka ah.

Waxa uu Lewis xal u arkaa in Islaamka maanta ay u tahay labo mid:

In ay gaar isku kaashadaan oo iska indho tiraan dunida ku xeersan, mana ah arrin suuro gal ah.
In ay u hooggaansanamaan fikirka casriyeynta ee reer-galbeedka, taas oo ah cilmaaniyad iyo in dawladaha Islaamku ku dhaqmi waayaan shareecada Islaamka.
Gabogabo, guul-darradu waa sunnaha nolosha. Tartanka iyo kala-horeynta xaddaaradaha adduunkuna waa wax abid soo jireen ahaa oo waaqica ah. In ilbaxnimadii Islaaamku maanta dib u guratey waa wax taariikhdu u joogtey iyada oo aan nin jawaab laga doonayn. Bernardo Lewis runtii kuma ammaana farriinta buuggiisa ku qoran, waayo kama jawaabayo su’aasha uu fidiyey ee ah "Maxaa khaldamey?”, waxa se uu ku sheekaynayaa maxaa u hirgalay reer galbeedka intii xaddarada Islaamku gaabinaysay.

Maxa khaldamay iyo maxaynu ku saxnaana waa arrin aniga ahaan aan kaga jawaabi lahaa mid ka duwan tan qoraaga, balse mar kale.

Innaga, ummadda Islaamka, ayay tahay in aynu isweydiino maxaa khaladamaya xilligan aynu taagan nahay, maxaa hore u soo khaldamay oo sal u ah khaladka taagan? Waa in aynu jawaabahan helnaa si aynu u saxno oo aynu Islaamka dulliga uga dulqaadno.

Wa billaahi tawfiiq. Wixii khalad ah waa naftayda iyo shaydaan.

image

Umayma Cabdulaahi Ciise Good

Umayma_022@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip