Qaawnashaha ma qurux ayaa mooday, ee Surwaalka kor u qaado, waad qaawantahaye”

0
Monday May 04, 2009 - 08:36:48 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaawnashaha ma qurux ayaa mooday, ee Surwaalka kor u qaado, waad qaawantahaye”

    Nin feetey daboolo lama yiraahdo, haduusan ahayn qof miyir doorsoomey, doorkaagu waa in aad ka jeedsataa, laakiinse karan haddii uu ku dhex feedanayo masaajidka dhexdiisa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin feetey daboolo lama yiraahdo, haduusan ahayn qof miyir doorsoomey, doorkaagu waa in aad ka jeedsataa, laakiinse karan haddii uu ku dhex feedanayo masaajidka dhexdiisa?

Malaha su’aashani waa hal xiraale?, mayeey!, haba kayaabin ma ahan halxiraale, waa xaqiiq jirta, bal dhugo nuxurka.
 
Waxaa jirta maahmaah oranaysa “dhajiga (dhaji= nooc masaska ka mid ah) dhulkuu jooguu dhogortiisa leeyahay”,dhalinteena dhulkeey timaaado ayay la dhaqan noqotaa,
 
Dalalka qurbaha ah,  waxaa ka jirra nooc dharxirasho ah oo dhalinta u ah noocii ugu dambeeyey “aalta moodo”, si lamid ah labiskii Soomaaliya ee sideetameeyadii ee surwaarka lugaha holofka ah (abu elefaante) la xiran jirey, timahanila tuuran jirrey.
 
Labiskani qofka wuxuu xiranayaa kastuuno yar, wuxuu kadul gashanayaa surwaal jilbaha waxyar hoos u dhaafsan,surwaalka waxaa suunka looga dhuucinayaa barida hoosteeda xagga dambe, xagga horane bisqinta dusheeda, waxaa banaanka imanaya kastuumiyihii yaraa oo barida kalabaraya, haddii shaarka ama funaanada ay qarin lahayd qeybtani banaan, iyaguna waa sheeyo aad u gaaban oo sinta ku eg oo la arki karro qeyb jirka qofka ka mid ah.Balaaqo ahaan waxaa lagu tilmaami karaa qof qaawan, waxaad is leedahay qofkani surwaalka ayaa ka dhacaya,
 
Qaarkood ma dhuujiyaan, waxay sameeyaan inta ay dabciyaanmeesha aan soo sheegeyna geeyaan ayuu surwaalkahoos usii dhacaa kolkaaseey maanta oo dhan ku mashquulsan yihiin kor usoo qadistiisa iyagoo geeynaya halkii ay ugutallo galeen si uusan u dabrin socodkooda.
 
Labiskaasi silica ah waxaa sida uu yahay u dabaqay dhalinyarro baddan oo Soomaaaliyeed, iyagoo xarago mooda, kaaga daran masaajida ayay soo galaan iyagoo sidaasi ah,  kolkaasaa marka uu qofka sujudo ama rukuuco, coowradiisaoo dhan ayaa banaanka imanaysa.
 
Mid ka mid ah shuruudaha salaada waa in coowrada la asturaa, marka taasi laga soo taggo dadka gadaashiisa ku tukanayaayay salaada waswaas ka galaysaa marka rakcokasta qof futadiisa banaanka taalo ku hor sajuudayo.
 
Qaar ka mid ah culumada masaajidada Soomaalida waxay marar baddan ka hadleen arrintani, iyadoo dadka loosheego dhibaatada ay arrintani leedahay.
 
Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo)
Deeqdarajo100@hotmail.com

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip