Sooyaalka Noloshii Silliibeyd Q19AAD.

0
Friday August 28, 2015 - 22:13:53 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sooyaalka Noloshii Silliibeyd Q19AAD.

    Labada qaybood, ee odayaashu ma oga, in qof dumara, oo uu qabo Barroow laysku haysto, haddiise ay ogaadaan, arrintu weji kale ayay yeelan kartaa, oo halistiisa leh, dhaqan ahaan iyo diin ahaanba, waana arrin ku culus, oo aysan qaadi karin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada qaybood, ee odayaashu ma oga, in qof dumara, oo uu qabo Barroow laysku haysto, haddiise ay ogaadaan, arrintu weji kale ayay yeelan kartaa, oo halistiisa leh, dhaqan ahaan iyo diin ahaanba, waana arrin ku culus, oo aysan qaadi karin.
Galabtii dambe, ayaa odayadii ka soo jeeday dhinaca Ilbir, waxay u tageen Korneyl Cirfiid, iyagoo booqasho iyo wada hadal labadaba ku socda, waxay odayadu soo galeen guriga Kornaylka oo ahaa guri weyn oo dhawr Bangalo oo dayr ku wada jira, Gidaarkiisana uu ku wareegsan yahay, Cagaarka loo yaqaanno Xayaabka ama Saaqa.

Korneylka oo markaas oo fadhiya mudul korka laga saaray caw baar hoostana dhagax ka ah oo aad loo qurxiyey sarriir jiinbaar ah oo meesha u taalay , hareeraha ay geedo badan oo kuwa midho leh iyo kuwa aan lahayn isugu jiraan, oo ay ka baxaan, dhirta kala ah, Moos, Baabay, Canuuni iyo Saytuun IQB.

Kornaylka waxaa sarriirta kula fadhiyey Samatar yare, oo buug xisaab ah gacanta ku haya, Korneylkuna uu weydiinayo, isaguna uu ka jawaabayo, ayaa loo sheegay in albaabka ay joogaan Odayo dhawr ah, magacyadoodana loo sheegay, ka dib ayuu yidhi soo gudbna dheh, durbadiiba waxay soo abbaareen halkuu joogay iyadoo laysa salaamay, soo dhawaada waad soo dheeraateen iyo waa dhawnahay ka dib, ayaa hadaal kaftana waxaa soo tuuray oday Sulub oo yidhi:

"Oo waxaan is lahaa Oday dhaawacmay ma kici karee ileeyn Askari ma gaboobo, Kornaylka oo yaqaana Sulub iyo kaftankiisa ayaa yidhi, ad adayg kaama badni oo adba ciidan waad soo martay, dad badan baanse ku ogayn”

Sulu boo hadalkii sii wata ayaa yidhi:

" oo heedheh yarkani ma kuwii gabdhahaagu dhaleenbaa? Waan ogahay, oo wiilashu weli may hanaqaadine, mise waa qaraabada kale?”

Korneylka ayaa ugu jawaabay:

"Kani waa wiilkayga Samatar, ee aan aadka u jeclahay. Waa wiil baarri ah” markaasuu inta wiilkii u jeestay ku yiri:

"Samataroow adeerayaal baa yimide, u sheeg gabdhaha, wax la cuno iyo wax la caboba, ha soo diyaariyaan.”

Samataryare hadallada korneylku waxay uga dhignaayeen, qof meel abaar ah isaga iyo ubadkiisa, maalkiisaba biyo la’aan iyo harraad ku dilay, oo hogol ku dul bururtay, nayaayirka iyo raynraynta nololeed, uu dareemayo oo kale. Samatar waa ogyahay inuusan Korneylku dhalin, wuxuuse aad ugu farxay, hadalka dhegihiisu maqleen iyo sida uu xaqdhawrka iyo qadarinta leh, ee uu tilmaanta uga bixiyey.

Korneyl Cirfiid waa waayo arag, waana ogyahay, cilladda iyo cuqdada geli karta, hadduu yidhaahdo ma dhalin, ee waan korsaday, sidoo kale, dhaqanka bulshadiisa ayaa ah midey ku yartahay ilmo aadan waxba u ahayn, inaad koriso, isagoo dhinac walba ka eegaya, ayuu si guudmara uga hoos baxay, su’aashii oday Sulub, wuxuuna ku dabaqay waa wiilkayga.

Odayaashii markii ay galeen, xog wareysi dhinaca caafimaadka, muddona la kaftamay, ayay fureen arrintey u socdeen, taasoo ahayd ergadii ka timid, dhinaca ganacsade Barroow ee ku saabsanayd Korneylka, oo dhuuxay hadalkooda, ayaa u sheegay;

"Aniga Barroow dhaawac iima geysan, dhibaato kalena ma jirto, anigu mar hore ayaan amar bixiyey, in ciidanka dhankayaga aan ka qaadno, waxaase isoo gaadhaya, inay dhankooda is fahandarro iyo fawdo ka socoto, saaka waxay xabbadeeyeen, gaadiid xamuul ah, oo uu leeyahay Ganacsade Cigalle, laba qof ayaa ku dhaawacantey, sidoo kale, dumar ayay qashqashaadeen, hawshu dhankooda ayay ka socotaa, waxaanna lay sheegay inuu dhammaan amarradaas bixinayo, nin saqajaan ah oo la yidhaahdo Jirdac. Ma doonayo inaan la hadlo, waxaan doonayaa inaan kulanno aniga iyo Barroow, ujeedkayagu waa inaan deegaammada nabadeynnaa, sidoo kale maamul iyo nidaam u samaynaa, marxaladii is tuuryeynta waa laga gudbay, Ilbirna anigaa la hadlaya”

Odayadii aad bay ugu qushuuceen, hadalkii Korneylka, waxaanna laysku maca salaameeyey, guul iyo gobonnimo iyo waa kaa fileynay, oday Sulub ayaa yidhi;

"Korneyl weligaa waxaannu kugu jeclayn waa xaqdhawrka iyo xushmada aad odayaasha dhaqanka u hayso iyo inaadan naga madax taagin, balse, wiilka Ilbir ah, odaya waxba kama yaqaan, ee waxaan rabnaa ninkaa inaad geed ku xidho, oo aad qabato waan ognahay, inuu aad kaaga dambeeyo, dhegihiisuna codkaaga keliya maqlaan”

Korneylka ayaa ka oggolaaday arrintaas, waxaana laysku afgartay in colaadda la joojiyo, nabadna seeska loo dhigo.

Korneylka ayaa u yeedhay Qaare, oo ah taliye ku xigeenka, haddase intii dhibaatadu dhacdey qaabilsan ammaanka korneylka, waxaa loo keenay casho iyo shaah wada socda, Korneylka oo ay dhulka ku wada fadhiyaan dermo qurux badan, oo gacanta lagu sameeyey, ayaa weydiiyey;

"War Qaarre bal iiga sheekee, sida dhibku u dhacay? Maalintii ma is fahandarro ciidanbaa dhacdey, mise, wax aanan ogayn ayaa jira? Maxay tahay gabdhaha la sheegayo, waa la kufsaday iyo dadka la baadhay, intaan isbitaalka ku jiray?”

Qaare waa taliyihii watay ciidankii dagaalka galay ee ilaalinayey Korneeylka, eedeyntuna isagay ku dhacaysaa haddaanu arrinta runta ka sheegin, ka dib ayuu yidhi:

"Maya korneeyl, dagaalku sidaa uma dhicin, dhibaatona ma jirin, ee Barroow oo ciidammo wata ayaa noo yimid, waana na aflagaaddeeyey, umanaan jawaabin, ka dib gudaha, ayuu galay, waan ka soo dabagalay, wuxuu arkay xaaskiisa oo la fadhida Ilbir, ka dib hadallo karoox iyo maag ah, ayuu meesha ka yidhi”

Korneylka oo hadalka dhegta u raaricinaya weji kalena u soo baxay ayaa weydiiyey muxuu yidhi:

"Maxaa ciidanka meesha loo soo dhoobay, ka dib waxaa u sheegay Ilbir inaad isbitaalka ku jirto, oo dhaawacan tahay, markaasuu yidhi: Maxaad deegaanka aad ka talisaan isbitaal uga dhisi weydeen, haddana, wuxuu ku xejiyey illeyn mooryaan wax dumi maahine wax dhis ma taqaanno”

Markaasuu amrey in meesha lagaa soo saaro, ciidanka deegaanka laga saaro, Ilbir oo aan ka jawaabin ayaa xaaskiisu u jawaabtay, iyadoo leh, ma intaad saaxiibtaa korneylka soo booqan lahayd, ayaa aflagaaddo iyo afxumo la timid, ka dib wuu dhirbaaxay, Ilbirna isagoo feedhay, waa la kala jiiday, buuqbaa meesha ka dhacay, ka dibna aag baa la kala galay, ciidankii dibadda joogay, ee ku wareegsanaa isbitalka, ayaa qaar ka mid ah arkeen kuwii Barroow oo aag gelaya, rasaas baa dhacdey, ninbay galaafatay, hase yeeshee, isagana gudahaa lala galay, annaguna waxaanu awoodda saarnay inaan kula soo baxno, sidaasaa wax u dhaceen”.

Korneylka ayaa waxaa u soo baxdey ujeeddo kale, wuxuu weydiiyey Qaarre:

"Ma waxbaa ka dhaxeeya xaaska Barroow iyo Ilbir, miyey jiraan kulammo ka horreeye maalintay iigu timid isbitaalk, ee dhinacan laysoo wareejiyey? Hore maw kulmi jireen?.”

Qaare oo ku qasban inuu sheego, ayaa yidhi:

"Haa, dhawr jeer ayay xaafadda ugu timid ka dib, markii arrintii Samatar yare dhacdey, sidoo kale telefoonkana waa kala soo hadashaa, waxes intaas dhaafsiisan ma ogi”

Korneylka waxaa u soo baxdey, in arrin hinnaase salka ku haysaa jirto, sidoo kale aysan weli waxba u kala caddeyn, haddaba, intaanu wareysanin Ilbir wuxuu la hadlay, oo ballan ka samaystay ganacsade Barroow, iney isku arkaan Hotel Guryosamo, Barroowna arrintaas waa ka yeelay, isagoo og in xaalkiisa ammaan xun yahay, wuxuuna u arkay xal kale uu xamaasad iyo xasarad ku abuuri karo, la kulanka korneylka, si labada deegaan iyo ciidan foodda isu daraan.

Koreylkuna waa xog raadis, isagoo si cilmiyeysan doonaya inuu meesha sartu ka qudhuntay ogaado, si xalkeeda loo helo, arrinkana loo soo afjaro.


La soco qaybaha dambe

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip