Sheekii ayaa nala horgeeyey anagoo gacanta ku sidana aaladii codka dheeraynaysey ee nalagu soo dacweeyey, sheekii oo kursi dhulka aad uga sareeya ku fadhiya ayaa intu ka sarakacay rakadii u samaystay yiri “maxaa keenay inaad adeegsataan qalab “Bidco” ah oo aan hore loo arag kasoo codkiinaa ka weyneeyey intii ilaahay ugu tala-galay” Shiikhayagii oo ahaa nin da’ah diinta ku xeel dheeraaday ayaa yiri “Sheekhoow waxaan ku weydiiyey ma aragtay weligaa qof Muraayado ama Ookiyaalo gashan si uu wax ugu arko, shiikhii baa ku jawaabey haa sheekhaygii ayaa yiri maxay taraan muraayadahu, sheekii fatwadaa ayaa ku jawaabay dadkay ayay u waa-weyneeyaan walxaha si ay si wacan ugu arkaan, hadaba anaguna wax kale ma samayn ee dadkii baan u waaweyneyney codkii ama hadalkii si ay ducada u maqlaan oo iiga dabaqaadaan, shiikhii fatwada oo u muuqday mid qanacay ayaan noo soo celiyey cod-baahiyehayagii oo uu damacsanaa markii hore inuu naga tuuro! – Sheekadaa waxaa weriyey Sheekh Yusuf Al Qaradawi mar laga waraysanayey baraamijka Al Shariicaha wal xayaah ee ka baxa Aljazira Axad kasta.
Nin Weriye ah oo Somali ah oo aanu saaxiib nahay ayaa ii soo qoray e-mail isagoo iga dalbanaya inaan u soo weydiiyo culimada sucuudiga fatwo fasaxaysa in budhcad badeedu weerari karto ama qafaalan karto maraakiibta sunta ku daadiya badaheena ama kuwa sida sharci darada ah uga kaluumaysta.
Mar laga doodayey in aysan haboonayn in gabadh aan qaan gaarin loo guuriyo oday da’ah ayaa culimada diinta qaarkood waxay ku cel-celiyeen in ay banaantahay arintaas oo aan lahayn daliil sharci ah oo xaaraantimaynaya in gabadh yar la guursado oo weliba hadii la doono loo guuriyo nin awoowgeed la da’ah. Sheekh Cabdul Muxsim Al-cumbeykan oo kamid culimada waaweyn ee Sucuudiga ayaa isagoo ka jawaabaya hadalkaa yidhi:-
“Inkasta oo aan lahayn daliil cad oo xaaraantimaynaya guursiga gabdhaha yar-yar hadana iyadooo la qiimaynayo dhibta soo gaadhi garta gabadha yar iyo waxyeelada ay arinkaasi u keeni karo bulshada iyo qoyskaba wuxuu xaq u yeelanayaa masuulka wadnkaas ka taliyaa inuu soo saaro sharci xaaraantimaynaya guursiga gabdhaha aan qaan gaadhin ama in laxadeeyo da’da gabdhaha lagu guurin karo. Taas waxaa tusaale u ah ma jiro sharci diini ah oo mamnuucaya inaad ka istaagtid “Samafalaha” ama Traffic Lightka marka uu cas yahay ama guduudan yahay laakiin markii la arkay dhibaatada ka imaan karta in mar keliya baabuurtu wada socota ayaa la xaraantimeeyey in marka nalka ama laydhka ishaaradu cas yahay aad istaagto.
Waxaa taas ka sii daran mar sheekh reer Kuwait ihi fatwooday in garsoorayaasha ciyaaraha sida kubada cagta, kolayga miiska iwm ay ilaahay u toobad keenaan maadama ay wax ku xukumaan waxaan ilaahay soo rogin sidaa darteedna ay ku sifoobeen kuwa wax ku xukuma wax shareecada ilaahay garab marsan.
Markaad intaasoo dhan fiirisid waxaa arkaysaa sida diintii loo majara-habaabiyey ee loogu khasbay inay gasho meel kasta oo ay geli karto iyo meel ayan geli karinba, waxaana la tuuray fekerkii iyo adeegsigii caqligii ilaahay bini’aadmiga kaga saramariyey uumiyaha intiisa kale, waxaa la baadi doonay qiilal iyo marmarsiinyo fatwooyin lagu xukumaya wax kasta.
Markii Rasuulku (CSW) Madiina u soo hijroodey, dadka reer madina waxay ahaayeen dad timirta beerta, marka ayaa rasuulku arkay CSW iyagoo laba geed oo Timir ah isku talaalaya, dabadeedna wuxuu yiri "umalayn maayo inay taasi wax tarayso" taasoo ay u qaateen inaan Rasuulku CSW raali ka ahayn arinkaas, kadibna way joojiyeen isku talaalidii dhirta, waxaa dhacday in sanadkaa aan wax timir ah la helin oo timirtii soo go’i lahayd la waayey – kadibna rasuulku wuxuu yiri xadiiska caanka ah ee oranaya “Antum Aclamu bi umuuri dunyaakum”
“Idinkaa dadka ugu badiya maamulida aduunaydiina, sidaa ayaana lagu fasaxay isku talaalida geedaha timirta ah.
Sida ilaahay quraankiisa ku sheegay bini aadmiga waxaa loo doortay inay noqdaan maamulayaasha koonkan “Khulafaa”, waxaana lagu rakibay maskax fekeraysa oo dhinacyo badan wax ka eegi karta, taasoo ilaahay kula xisaabtami doono go’aamada ay qaadato maalinta qiyaamaha, nama haboona in wax kasta uu insaanka soo mara uu Fatwo la beegsado.
Walaahu Aclam
Cabdiraxman Xariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
FATWO KU XUKUN.MAQAAL AQRISTE.(SAWIRO)
Anagoo labaataneeyo reer Masar ah oo Xaj u-nimi sanadkii 1955 ayaa sheekii na dawaafinayey Xaramka ee ducada noo akhriyey wuxuu la soo baxay cod-baahiye ama microphone si aanu codkiisa u maqalo oo aan ducada uga daba qaadno. Dadka xiligaa dawaafayey