Qabiil dowlad ma noqon karaa xitta hadii uu yahay mid ballaaran ?

0
Saturday August 22, 2015 - 13:43:11 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabiil dowlad ma noqon karaa xitta hadii uu yahay mid ballaaran ?

    Waxaa waayadan dalkeena Soomaaliya ka dhismayo maamullo ku salaysan hab qabiil, Kuwaasi oo loo ekeysiinayo maamul dowladeed caadi ah, Iyadoodhinaca kalena la iska indho-tirayo xaqiiqda jira ee ah inaanu qabiil dowlad noqon Karin, xitta haddii uu qabi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa waayadan dalkeena Soomaaliya ka dhismayo maamullo ku salaysan hab qabiil, Kuwaasi oo loo ekeysiinayo maamul dowladeed caadi ah, Iyadoodhinaca kalena la iska indho-tirayo xaqiiqda jira ee ah inaanu qabiil dowlad noqon Karin, xitta haddii uu qabiilkaasi yahay mid ballaran oo ay ku badan yihiin dad af-mishaaroah.

Fikraddan khaldan ee caqiimka ah, ayaa waxa ay ka soo bilaabatay dhanka Waqooyi ee dalkeena,halkaasi oo muddo haatan laga joogo ku dhawaad dhowr iyo labaatan sano looga dhawaaqaymaamul lagu magacaabaySomaliland, Kaasi oo ay dhistay beesha Isaaq iyo waxoogaa siyaasiyiin ka soo jeeda beelo kale. Hadana Waxaa ku xigay maamul kale oo isna loo bixiyey Buntland, Kaasioo dhismihiisu ay ka danbeysaybeesha Majeerteen.

Labadaasi ka dib, Hadana waxaa dhismay maamull ay ka mid tahayJubbaland,Taasi oo dhismaheeduay iska kaashadeen dowladaha Itoobiya iyo Kenya, iyo waliba beesha Ogaadeen.Hadana waxaa saaxada ku soo biiray maamulka Koonfur Galbeed, Kaasi ooyagleeliddiisu ay gacan-weyn ku lahayd dowladda Itoobiya ee cadowga ah, iyo waliba beesha Raxaweyne ee sida aadka ugu xoogan gobolada Baay iyo Bakool.

Sedexdaasinidaam beeleed ka dib, Waxaa hadana abuurmay maamulka Galmudug, Kaasi oo dhismihiisu ayhormuud u ahaydbeesha Habargidir, inkasta oo ay gacan ka helaysay beelaha kale ee Hawiyaha ah, iyo waliba siyaasiyiin ka soo jeedda beesha sade ee gumeysi-diidka ah. Waxaa sidoo kale iyana jira maamulka Khaatumo, Kaasi oo dhismihiisu ay ka danbeysay beesha Dhulbahante ee abaalka ku leh Umadda Soomaaliyeed maadaama ay laf-dhabar u ahayd halgankii Daraawiisheed.

Guud ahaan, dhismahamaamuladaniayaa waxaa loo marayhab qabiil, balse loo ekeysiiyey qaab dowladdeed, Iyadoo la khaldayo ra’yi caamka dadka Soomaalida ah,iyo waliba beesha caalamka. Tusaale ahaan, fikradda lagu dhisay Maamuladani, ayaawaxa ay leedahay waxaa xil ka qaban kara gudaha maamuladaasi oo kaliya qof ka soo jeeda beelihiiwax ka dhisay Nidaamyadaasi,Iyadoona meel la iska dhigayo xaqqa ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Tan iyo markii la dhisay maamul beeleedyadani,ayaanan wax badan iska badalin nolosha dadka ku nool deegaanada ay ka dhisan yihiin Maamuladaasi hadaysanba ka darin. Hadaba aqristow aan isweydiinnee qabiil dowladi ma noqom karaa, Awoodse ma uu leeyahay uu ku haqabtiro waxa ay dowladi u baahan tahay ? Jawaabtu oo kooban waa maya, Anagoona dib ka faahfaahin doonna sababta aan u leenahay maya.

Sidan soo xusnayba, qabiil dowladi ma noqon kara, Islamarkaanaawood uma hayouu ku socodsiiyo dowladnimo iyo waxa ay u baahan tahay midna,Sababtoo ahdowladnimo waxa ay dooneysaa kheyraad badan oo lagu socodsiiyo. Waxaana kheyraadkaasi ugu muhiimsan sedex shay oo kala ah dhaqaale, aqoon iyo waliba xoog (dad). Bal ka warama haddii mid ka mid ah sedexdaasi shay la waayo. Ma idin la tahay in ay dowladnimo jirayso amaba aysii shaqeyn karayso? Abadan

Tusaale ahaan, haddii la waayo dhaqaale amaba uu yaraado, Maxaa lagu socodsiinayaa dowladdaasi, Sideese laga yeelayaa shaqaalaha iyo ciidamada ? Maxaase lagu hormarinayaa mashaariicda taabaneysa nolosha dadweynaha sida isbitaalada,goobaha waxbarashada, wadooyinka, garoomada iyo waliba dekedaha? Jawaabta oo kooban waxaa weeye, dhaqaalela’aan dowladi ma jireyso, waa hadaanan la dooneynin mid magac-uyaal ah.

Markaan u nimaanno aqoonta iyo xoogga, Labaduba waxa ay runtiilaf-dhabar u yihiin dowladnimada iyo jiritaankeeda. Tusaale ahaan, haddii ay yar yihiin dadka aqoonta u leh dowladnimada iyo dhaqankeeda amaba aysan jirin, Sidee dowladdaasi loo wadayaa ? Sow ma’ahan in ay markaasi dhacaan waxa maanta dhacayo oo kale? Sow midan arag maanta madaxweyne meel walba taagan xitta carwo la furayo,Iyadoo la heli karo dad kale oo shaqadasi loo diri karo !Dhanka xoogga(dad), waa in la helaadad qabta shaqooyinka ay u baahan tahay dowladda sida ciidamada, shaqaalaha rayidka ahiyo waliba dad muruq-maal ah, oo soo saara kheyraadka dalkaasi. Dunida aan maata ku nool nahay, dalba inta uu dalka kale ka dad badan yahay, waa uu ka fursado badan yahay, Taasna waxaa daliil u ah dalalkaay ka midka yihiinIndiya iyo Jayna (shiinees), Kuwaasi oo daraadan dhow ahaa fuqaro aan waxba haysan, balse haatan cirka marayo sababa la xariira tirada dadkooda.

 

Hadaba sedexdaasi arimood ee aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo lagu darayba, Adinkan idin weeydiiye ma heli karaa qabiil soomaliyeed, oo aan isla ognahay tabartiisa ? Jawaabta oo kooban waa maya. Tusaale ahaan,aan soo qaadannohadda Soomaaliland oo kale, Imisajid ayey dhistay tan iyo markii ay ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ka go’day ? haddee ogaadakama hadleyno jidad la dayacytiray ?Imisa garoon ayaa ladhisay ? Mar kale, kama hadleyno kuwo ay Carabi dayactirtay, ka dib markii lagu calaacalay.

 
Imisa shaqo ayaa la abuuray ileen waxaa la jiraa dhowr iyo labaatan sano’e ?Imisa iskuul ayaa la dhisay oo heer sare ah ? Hadee ogaada kamawarameyno kuwa gaarka oo leeyahaye?Dhamaan Jawaabahaasi, Waxa ay ka muuqdaan magaalooyinka uu Maamulkaasi ka taliyosida Hargeysa, Berbera, Burco, Laascaanood, Gabiley, Borama, Lowya- Cadde iyo magaalooyinka kale ee ay diiftu ka muuqato. Midda kale, haddii ay meeshu waxyaalaan ma adin la tahay in ay dhalinyadu ka tahriibi lahayd ? Jawaabtu waa maya.
 

Hadda intey waxwalbaka soo tageen, ayaa waxa aydanbika dhigeenin Muqdisho la tago,halka tagista Adis Ababana ay noqotay wax weyn oo lagu farxo, bal u baahan in la bogaadiyo. Balse waxaa isweydiin mudan halkii ay ka baxeen Culimadii iyo Waxgaradkiii Soomaaliyeed ee ka soo jeeday deegaanadaasi. Ma awooddiibaa laga qaaday, oo waayan hadli Karin, Mise iyagaaba raali ka ah waxa maantasocda ? Wallee waxaa rumowday oraahdii ahayd wiilka Adis ayaa iiga dhow wiilka Muqisho.

Hadaanu nimaanno hooyada faderaalka (Buntland), Aan isweydiinne maxaa la qabtay dhowr iyo tobankii sano ee la jiray ? Imisa isbitaaloo public ayaa la dhisay ? Imisa dekado ayaa lasameeyey ? kama hadleyno kuwa ay dayactireen shirkado iyo hay’ado shisheeye oo dano gaar leh. Maadaama uu maamulku jiro dhowr iyo toban sano, imisa wadda ayuu sameeyey ?Jabwaabu waa waxba. Bal In wax la sameeyey iska daaye, waxaa maanta la awoodi la’yahay bixinta mushaaraadkii askarta.

Mar haddii ay sidaasi noqdeen maamuladii ay dhiseen beelihii ugu dug-dugta roonaa Soomaalida, Hadaba maxaa laga filan karaakuwa kale ay ka midka yihiinJubbaland, Koonfur Galbeed, Khaatumo, iyo waliba maaamulka Galmugud ?Jawaabtu waxaan leenahay ma buurna waxa laga filan karoMaxaa yeelay dhamaantood waxa ay ku tiirsan yihiin waa qabiil. Qabiilna tabar uma hayo uuku kaafiyo dowladnimo iyo waxa ay u baahan tahay.Bal idinkaan idin weydiiye maxaa lagafilan karaamaamul aan awoodin bixinta mushaaraadka askartiisa,hadana maalin kasta ku faanayo waan qaangaaray ?Midda kale, haddiiba aanla bixin karinmushaaraadkii askar sabab kastaaba ha jirtee ,hadaba goormaa wax laga qabanayaa adeegyadii dadweynaha sida isbitaalada, iskuulada, wadooyinka iyo waliba garoomada ? Mise kuwaasi waa loo tuugsi tagayaa, Ma sidaasbaa ?

 

Tan kale, marka aad hadda u fiirsato hababka ay u dhismanayaan maamul beeleedyadani, Waxaa runtii kuu soo baxaysa inayan marna la imaan Karinisbadalkii looga fadhiyey. Tusaale ahaan, haddii uu jiro qof jaamici ah, oo ku dhashay mid ka mid ah magaalooyinka uu ka taliyo maamul beeleedku, balse uu qofkaasi ka soo jeedo beelo aan deegaanadaasi daganeyn, qofkaasi xil kama qaban karo maamulkaasi xitta haddii uu yahah qof loo baahan yahay aqoontiisa. Taasi oo runtii ah wax lala yaabo.Markan hadalka soo uruurino, Waxaan leenahay qabiil dowladi ma noqon karo, Mana noqon doono maxaa yeelay ma hayo tabar uu ku kaafiyo dowladnimo iyo waxa ay u baahn tahay. Taasna waxaa daliil u ah maamulada Soomaaliland iyo Buntland oo jiray ku dhawaad dhowr iyo toban sano hadana aan maanta awoodin dhismahawaddo yar oo laami ah. Yaa arkay sida ay u eg yihiin wadooyinka magaalada Hargeysa ? Midda kale, dal ma waxaa lagu dhisaa dhaqaale aad shaqeysay,Misemid aadsoo tuugsatay ?

 

Gabagabadii iyo gunaanudkii, Waxa aan soo jeedinayaa talooyin dhowr ah oo aan is leeyahay waxa ay xal u yihiin dalkeena iyo dadkiisa maadaama lagu hungoobayfikraddii ay ahayd qabiil baa dowladnoqon kara, Islamarkaana kaafin kara baahidabulshadeenaan dhibaateysan.1- In laga tanaasulo fikradda ah qabiilbaa dowlad noqon kara.

 

2-In lagu qanco Soomaaliya oo mid ah in sharafta ku jirto, islamaraakan ka jawaabi karta baahideena.

3-In la raadiyo dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh, si looga baxo duligan iyo faqrigan isla socda.

4-In aan dalkeena ku dhisno dhaqaalaheena, si aan uga maaranno dibad-wareega iyo daba-oradka shisheeyaha.

W/Q: Cabdulaahi Ibrahim Gumeysi-diid
Abdull2006@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip