Ninka Daacish u Gowraca Dadka oo la sheegay inuu Soomaaliya u soo socdo

0
Sunday October 18, 2015 - 16:33:01 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninka Daacish u Gowraca Dadka oo la sheegay inuu Soomaaliya u soo socdo

    Ninka inta badan wajigiisa aan la arkin ee ku caanbaxay u gowracitaanka kooxda DACISH dadka ay qabtaan ee John Jihadi ayuu wargeyska reer Britain ee The Mirror daaabacay maanta inuu qorsheenayo inuu uso safro Soomaaliya kuna biro Xarakada Al-shabab o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninka inta badan wajigiisa aan la arkin ee ku caanbaxay u gowracitaanka kooxda DACISH dadka ay qabtaan ee John Jihadi ayuu wargeyska reer Britain ee The Mirror daaabacay maanta inuu qorsheenayo inuu uso safro Soomaaliya kuna biro Xarakada Al-shabab oo Al-qaeda xiriir laleh.

Dowlada Ingiriiska ayaa sirdoonka wadankaasi ku wargalisay in laga doonayo sirdoonka UK inay nolosha kusoo qabtaan Jihadi John kahor inta uusan usoo safrin Soomaaliya , si looku maxkamadeeyo gudaha Britain.

John Jihadi , oo magaciisa saxda uu yahay Mohammed Emwazi , ahna gowracaaga weyn ee ISIL ayaa bilo kahor warbaahinta Ingiriisku waxay qoreen inuu ninkani iskaga baxsaday goobaha kooxdaasi DACISH ay ka maamusho Syria uuna yahay nafti la carar.

Sababta uu udoonayo Jihadi John inuu usoo safro Soomaaliya kuna biro Al-shabab waxay tahay ayuu wargeysku ku micneenayaa kadib markii uu gudaha wadanka Syria ka waayay koox ISIL ka badalan oo uu ku biro.

"Jihadi John waxa uu doonayaa inuu usafro Soomaaliya si uu ugu biro kooxda Al-shabab ee Al-Qaeda xiriirka laleh.” Sidaa waxaa daabacay wargeyska The mirror .

Layaab malahan in Jihadi John hada uu ku haminayo inuu usoo safro Soomaaliya maxaa yeelay sanado kahor ayuu Jihadi isku dayay inuu Al-shabab kusoo biro kahor ku biiritaankiisii IS, inkastoo taasi aysan usuurtagalin.

Mohammed Emwazi, oo 27 sano jir ah waxa uu kasoo jeedaa xaafada Queen’s Park, ee Waqooyi-Galbeed ee magaalada London ,wali Qaramada Midoobe kuma aysan darin liiska shaqsiyadka dambiyada argagixiso loo haysto ee ay cunaqabateyntu saarantahay.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip