Yaa soomaaliya soo Gaarsiiyay Diinta ? ( Maqaal )

0
Friday May 08, 2009 - 10:30:08 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa soomaaliya soo Gaarsiiyay Diinta ? ( Maqaal )

    Doorka & Aragtida culammaa’udiinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorka & Aragtida culammaa’udiinka


Sababta aan udoortay ciwaankaan ama qoraalkan wayska caddahay,
 
Wa tan koowaade waxaan ka hadlaynaa kooxo sheeganaya dhaqdhaqaaq islaami ah; kooxo si diinta ka fog u adeegsada magaca diinta islaamka; kooxo wax kastoo ay burburiyaan ugu yeera magacyada quruxda badan ee diinta xataa haddii diinta looga baxayo.
 
Waa tan labaade, madaxda, siyaasiyiinta, aqoonyahamiinta iyo wax garadka isku diyaariya hoggaaminta dalka mid fiican iyo mid xunba awood uma laha inay dalka iyo dadka ka difaacaan shirqoolkan ku ganbada magaca diinka; kii isku daya inuu difaacana ma garanayo wadiiqada ugu habboon ee loo maro.
 
Bal waxaaba imaan kara in isagii loo arko nin la dagaallamaya diinta Islaamka, bidcadiina loo arko niman difaacaya diinta islaamka.
 
Dhibaatadaas waxaa sababay madaxda oo aan wax xiriir iyo iskaashi ah la lahayn culammada xaqa ee ah ee aqoonta wanaagsan u leh diinta Islaamka. Sidaas darteed, si looga badbaado shirqoolladaas waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo:-
 
• Doorkii culammadu ku lahaan jireen hurummarka iyo badbaadada ummadda iyo kan hadda kaga aaddan.

• Aragtida culammaa’udiinka ee ku aaddan sida looga samata bixi karo khatarta dalku ku suganyahay.
 
Haddaba si arrimahaas loo xaqiijiyo, aan faallo kooban ka bixinno taarikhda iyo doorka culammada Islaamka Ahlusunna waljamaaca ee Soomaaliya. Sida ay qoraalkaan inta aqoonta u leh taariikhda geyigan, dalka Soomaaliya waa waddan diinta Islaamka ku leh taariikh & xadaarad fac weyn.
 
Waa wadankii ugu horreeyey ee diinta Islaamku soo gaartay (615M)
5 (shan) sano oo keliya markii laga joogay soo bixitaankii Rasuulka (CSWS), waqtigaas oo ku beegnaa 8 sano ka hor hijradii Rasuulka (CSWS) ee Madiina.
 
Hijrooyinkii karaamada badnaa ee diintu ku soo gaartay dalkeena waxaa kala hogaaminayey Sayid Cusmaan Ibnu Cafaan & Jacfar Ibnu Abii daalib (RCM).
 
Rabbi (SWT) ayey mahadi u sugnaataye ilaa xilligaas marna wax hakad ihi ma gelin faafitaanka diinta Islaamka, ilaa ay soo baxeen culama Soomaaliyeed oo door weyn ka qaadatay barashada & fidinta diinta Islaamka oo gaaray heer iyaga looga soo xareysto caalamka Islaamka.
 
Waxey qoreen culumadaas Soomaalida,ihi kutub caan ah oo leh fanni kasta oo culuumta Islaamka ah, waxay culammadaasi isugu jiraeen:-
Qurraa’, Mufasiriin, Xufaad, Fuqa’ha, Mu’arikhiin, Luqwiyiin & qeybo kale, waxaana ka xusi karnaa:-
 
• Al-iimaam Fakhrudiin Al-Saylaci oo ahaa sheekhii Xaafidu Seylaci oo allifay kitaabka weyn ee la yiraa Tabyiinul-xaqaa’iq oo ah sharaxa kitaabka weyn ee Kansu-daqaa’iq.
• Al-Xaafidu Seylaci oo qoray Kitaabo badan oo loo cuskado diinta Islaamka, sida Nasbu-rayah fi takhriiji axaadiis il- hidaayah.
 
• Imaamu Shamsu-diin Al-Maqdashi oo ka mid ahaa culumadii ugu caansaneyd qarnigii 8-aad ee Hijriyada.
 
• Imaam Max’uud Ibnu Cali Ibnu Abiikar Al-maqdashi oo ahaa Iimaam reer Muqdisho ah; waxaana xufaadii uu sheekh u ahaa ka mid ahaa: Al-Xaafidu Dahabi & amiirkii mu’miniinta ee Axaadista ee Al-Xaafid Ibnu Xajar Al-Casqalaani oo ahaa Imaamkii allifay sharaxa ugu weyn Saxiixul-Bukhaariga ee Fatxul- Baari.
 
Imaam-yaalka waaweyn ee Islaamka ee ka sii faa’ideysatey mashaa’ikhdan Soomaaliyeed iyo kuwa ka qaatay cilmiga waxaa kale oo ka mid ahaa:-
 
• Al-Xaafidul Ciraaqi, shaykhul-islaam.
• Al-Xaafidul Ceyni.
• Al-Xaafidul Busayri.
• Al-Xaafidul Casqalaani, shaykhul-islaam.
• Al- Xaafidul Haythami.
• Al-Xaafidu-Sakhaawi,
• Xaafidu- Siyuudi, Sheykhul Islaam
• Al-Xaafid Sakariyal-ansaari, shaykhul-islaam.
• Al-xaafidul-Jasari, shaykhul-slaam.
• Al-Xaafidul-qasdalaani, shaarixu S/Bukhaari
• Imaam Ibnu Xajar Al-Haytami,
• Imaamu Ramali, Saaxibu nihaaya,
• Imaam Khadiibu- Sharbini, iyo
• Imaamyo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin.
 
Culammada Soomaaliya waxaa intaas u dheeraa kaalintii shariifka ahayd ee ay kaga jireen difaaca diinta, dadka iyo dalka oo ay hogaaminayeen mashaa’ikhda Suufiyada ee Ahlu-Sunna wal-Jamaaca . sida:-
 
 
• Sheekh Cumar Walasmac.
• Sheekh Sacdudiin Al-Saylici.
• Imaam Axmed Gurey.
• Amiir Nuur.
• Sheekh Muxammad Khaliif.
• Sh. C/qaadir Sh. Sakhaawa-diin,
• Sheekh Uweys.
• Sheekh Xasan Barsane.
• Sheekh Bashiir, &
• Mashaa’ikh kale.
 
Waxaa taariikhda ku cad oo aan marag u baahnayn, in muddadii mashaa’ikhda Soomaaliyeed ee Suufiyada ahaa hoggaaminayeen dalka aan marna la hanan taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed, lana gaaleysiin hal qof oo muslim ah.
 
Dadaalka dheer ee culumada Soomaaliyeed wuxuu sababay in Soomaaliya yeelato midnimo dhan kasta ah. waayo:
 
Mad’hab ahaan waa Shaaficiya, caqiido ahaana waa Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo ku abtirsada Abu Xasan Al-Ashcari & Abuu Mansuur Al-Maa’turiidi, kuna mideysan dariiqada suufiyada oo dhammaantood ku abtirsada iimaamyada Salafu Saalix.
 
Waqtigan aan joogno culammada Soomaaliyeed ee suufiyadu waa kuwa dadka bara diinta islaamka, waxay aqriyaan:
 
• Tafsiirka, Qiraa’aadka iyo dhammaan culuumta Qura’aanka kariimka.
 
• Axaadiista Rasuulka CSWS, Musdalaxa iyo dhammaan culuumta axadiista.
 
• Caqiidada, Fiqhiga, Usuulul-fiqhiga, Siirada, iyo Aalada (dhammaan fanniyada carabiyada).
 
Ilaa iyo hadda ma jiro qof kitaab aqrin kara oo aanay Suufiyadu cilmiga soo barin, xataa kuwa fara ku tiriska ah ee wadaadada u ah wahaabiyada waxaa wax soo baray culammada suufiyada. Arrintaas waa marag ma doonto.
 
Tan kale, culammada suufiyadu waa aqoonyahamiinta difaaca caqiddada suuban ee ahlu-sunna wal-jamaaca.
 
Intaas waxaa u dheer waxay ka shaqeeyaan hishiisiinta iyo difaaca diinta iyo is jecleysiinta ummadda walaalaha ah.
 
Guul weyn ayeyna ka gaaraan meelaha aanay ka jirin fara gelinta iyo shirqoollada dibadda laga maleego, meelahaas ruuxooda wax badan ayey ka badbaadiyaan.
 
Waa dhaxalkii anbiyada, waa khaliifyadii Awliyada Ilaahay, Muslimiinta ma laayaan si ay ku helaan xukun, dhaqaale, jago iwm.
 
Dalka ma burburiyaan mana u adeegaan cadawga diinta, dadka iyo dalka.
Waxay hugaaminaayeen kacdoonkii shacabka ee dagaalkii u danbeeyay ee (Unisom). Culimada hugaamineesay waxaa ka mid ah:
 
1. Imaamka Ahlusunna waljamacaa sh. Abdirisaaq Yuusuf Aadan
2. Gudoomiyaha Ahlusunna waljamaaca Macalim Maxamuud sh.Xasan
3. Imaamka Owliyada Macalim nuur Maxamed Siyaad
4. Sh. Abuukar Xasan Maalim Muxadithka Muqdisho
5. Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan
6. Sh. Maxamuud c/lle Cariif
Iyo Culimo badan oo aan lakoobi karin.

Ma dhicin kuwa hada sheeganaya in ay jihaadan halmaalin oo ay dalka ka kiciyeen Gaaladii gumeesatay waxa naftooda u huray waxay ahaayeen Culimada Ahlusunna waljamaaca.
 
Diinta ma beddelaan, ma gataan, mana caasiyaan sheekhyadooda, ma caayaan mana weeraraan taariikhda ummaddooda, diinta way aamminsan yihiin ee kuma gabbadaan.

Sidaas darteed, culammada, madaxda iyo dhammaan wax garadka Soomaaliyeed waxaa lagama maarmaan u ah:
 
1. In ay iska kaashadaan soo noolaynta iyo xoojinta doorkii culammaa’udiinka si ay kaalin mug leh uga qaataan bad’baadada ummaddan muslimka ah.
 
2. In la horumariyo ku dhaqanka shariicada islaamka sida saxda ah ee ku dhisan badbaadada, naxariista, wada noolaanshaha wanaagsan,iyo horummarka ummadda adduun iyo aakhiro,si looga guulaysto kuwa sida beenta ah ee naxariis darrada ah u isticmaala magaca diinka.
 
 
3. In muddnaan weyn la siiyo taageerada sidii dawladnimada cagaha loogu taagi lahaa, si loo gaaro fursad dadku ku dooran karaan cidda ay ku kalsoon yihiin.
 
4. In la sameeyo ila dhaqaale, ganacsi iyo barnaamijyo nololeed oo ka heer sarreeya kuwa bidcada, si looga samata baxo khatarta hantidooda.
 
5. In la horumariyo barnaamijta culammada wanaagsan si ay ummadda uga badbaadiyaan shirqoolka kuwa sida gurracan u adegsada magaca diinka, iyadoo aanay jirin cid kaga fog diinta islaamka.
 
6. In dhamaan qaybaha bulshadu iska kaashadaan sidii ummaddan looga saari lahaa adeegsiga qabyaaladda oo ah birta lagu qalo shacabkeenna walaalaha ah.
 
7. In la sameeyo ilo wax barasho tayo badan, si ummadda looga saaro jahliga dhaawacay jiritaankooda, loogana badbaadiyo manhajka dilaaga ah ee iskuullada wahaabiyada iyo cadawga.
 
8. In madaxda iyo aqoonyahamiintu ka digtoonaadaan ka fogaanshaha culammada wanaagsan ee aqoonta u leh diinta iyo barnaamijta lagu difaacayo laguna horumarinayo ummadda.

9. In xiriir wax tar leh lala sameeyo dawladaha iyo hay’adaha gacanta wanaagsan ka gaysan kara horummarka dalka.
 
10. In la sameeyo idaacado iy warbaahinno qayb libaax ka qaata wacyi gelinta iyo samata bixinta ummadda.
 
11. In la kun jibbaaro hishiisiinta midaynta iyo is jeclaynta ummadda.

12. In meel looga soo jeesto Uruka bilaabay waxaan soomaliya laga aqoon ooa ah Faagashada Qabuurihii Halgamayaasha Soomaaliya.

13. In aan loo dulqaadan laynta umada iyo baneesigooda dhiiga islaamka.
 
 
Allaha nagu galladaysto Iimaan, naxarriiis, sharaf iyo barwaaqo.
 
Wa billaahi tawfiiq.
 
By: AbdiRashiid Ali Adoow
Junaydi99@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip