Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 17-aad‏

0
Friday May 08, 2009 - 11:03:02 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 17-aad‏

    Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad


fara-badan ee balkaalay oo  inala faa’iideyso.
1-Su’aal Sheeg goorma ayuu bilowday soo degitaanka Qur’aanka?
1-Jawab: wuxu bilowday 27-kii Bishii Ramadan,xiligaasoo uu afartan jirsaday Rasuulkeena (NNKH).
2-Su’aal Sheeg labada maal-mood ee uu Soonka xaaranta yahay?
2-Jawab: Waa labada Ciidood, ee kala ah Adxa iyo Fitri.
3-Su’aal Sheeg goorma ayaa Muslinmiinta loo-baneeyey dagaal?
3-Jawab: waxaa loo-baneeyey sanadkii koowaad(1-aad
4-Su’aal Sheeg yaa ugu horeeyey Muslimiinta qof Makka ka haajira oo u haajira Madiina?

4-Jawab: Waa Abuu Salaama Rc.

5-Su’aal Sheeg ninkii bilaabay dhismaha Masjidka al aqsa iyo ninkii dhameystiray?
 
5-Jawab: Waxa bilaabay Nebi Daa’uud cs. Waxaana dhameystiray Nebi Suleymaan

6-Su’aal Sheeg sanadkii uu dhashay geesigii u soo halgamay Islaam-ka Salaxudiin Yuusuf Bin Ayuub?

6-Jawab: Wuxu dhashay 1137-dii.

7-Su’aal Sheeg sanadkii uu dhintay Salaxudiin Yuusuf Bin Ayuub? Imisa sano jir buuna ku geeriyooday?

7-Jawab: Wuxu geeriyooday 4-Febraayo 1197. Wuxuuna jiray 60 Sano oo gaw ah.
8-Su’aal Sheeg Wadanka Caalamka ugu dalxiiska badan?
8-Jawab: Waa dalka Faransiiska (France).
9-Su’aal Sheeg Wadanka ugu dadka badan Qaaradda Afrika?
9-Su’aal Sheeg wadanka Naajeeriya (Nageria)
10-Su’aal Sheeg yaa soo saaray Dhiiga D-N-A-da
10-Jawab: Waxaa soo-saaray James Wattson iyo Francis Crick.
11-Su’aal Sheeg sanadkii la-soo saaray Dhiiga D-N-A-da?
11-Jawab: Waxaa la-soo saaray sanadkii 1953.
12-Su’aal Sheeg Maxaa laga soo gaabiyey Dhiiga D-N-A-da.
12-Jawab: Waxa laga soo gaabiyey Deoxy Nucleo Acid.
13-Su’aal Sheeg maxaa loo-yaqaanaa Xididka Wadna dhiiga ku soo celsha?
13-Jawab: Waxaa loo-yaqaanaa Veins.
14-Su’aal Sheeg ninkii soo saaray Hotmail-ka?
14-Jawan: Waa Subeyr Bahatiya una dhashay Dalka India.
 
                                 Dhex-taal Gaaban.

Haddii aan dib idin xusuusiniyo 6-dii su’aaladood ee aan idin weydiinay jimcihii la-soo dhaafay
Waxay kala ahaayeen”
 
1-Su’aal Sheeg Sanadkii uu Xajiyey Rasuulka(NNKH)?
2-Su’aal Sheeg maxay isku ahaayeen Nebi Ibraahim Cs iyo Nebi Luud Cs?
3-Su’aal Sheeg goorma ayuu shahiiday Xamza Bin Cabdul Mudalib?
4-Su’aal Sheeg wadanka ugu dhaqashada badan geela ee Jaamacadda Carabta?

5-Su’aal Sheeg wadanka Malaysia sanadkii uu xurnimada ka qaatay England(Britain)?

6-Su’aal Sheeg Qaaradaha loo-yaqaano qaaradaha Cusub?
1-Jawab: Sanadkii 10-aad ee hijriyadda.
2-Jawab: Nebi Cs ayaa adeer u ahaa Nebi Luud CS.
3-Jawab: Wuxu shahiiday xiligii dagaalkii Uxud.
4-Jawab: Waa wadanka Soomaaliya.
5-Jawab: Malaysia Waxay xurnimada qaadatay 31,08,1957.
6-Jawab: Waa Qaaradaha America iyo Australia.
 
Ugu danbeen waxaa u maahad celineenaa dadkii ka soo wada jawaabay iyo kuwii jawaabaha qaar ka soo saxay. Iyo kuwii isku dayey iney ka soo jawaabaan balse aanan haleelin jawaabaha. Dadkaasi waxaanu lee-nahay maanta haddii aad qaladeen Insha’allah beri ayaad sixi doontaan.

Sidoo kale dadka ku cusub barnaamijkaan aan ugu magac-darnay Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud. Haddii aad u baahantay barnaamijkaan inaad ka qeeb-qaadato. Si’aad u hesho casharadii ku dhaafay, Waxaad kala soo xiriiri kartaa adde050@hotmail.com, Si’aad u hesho dhamaan casharadii horey kuu  dhaafay. Anagana waxaa ku balan qaadeenaa inaad hesho dhamaan casharadii horey ku dhaafay Insha’allah.

Hadaba 6-da su’aaladood iyo jimcaha soo socdo waxaad heysataan hal isbuuc shaqo wanaagsan.

        1-Su'aa Sheeg kumuu ahaa asxaabigii loo-aqoon jiray turjumaagii Qur’aanka Kariimka?

        2-Su'aal Sheeg Nebi Muuse cs iyo Nebi Haaruun cs keebaa weynaa?

         3-Su'aal Sheeg imisa magac ayuu lee yahay Qur'aanka? Maxayse kala yihiin?

        4-Su’aal Sheeg koonfurta Soomaaliya xiligii uu yimid Gumeystaha?

        5-Su’aal Sheeg Maxamed Siyaad barre Markii laga saaray Magaallada muqdisho muxu ahaa                
                                           Oraahdii uu yiri?
        6-Su’aal Sheeg kumuu ahaa Aabihii dalka Soomaaliya?
 
Dabcan su’aalahaan iyo jawaabahoodaba horey ayaan u soo daabacnay. Waxayna la-socdeen casharadii aan soo qaadanayJawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan gacal053@hotmail.com
 
Waxaa isku soo daba-riday Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email:-
adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia....


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip