CIQAABTA ISLAAMKA MARSIIYO DADKA GALA DAMBIYADA.

0
Saturday May 09, 2009 - 22:31:46 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIQAABTA ISLAAMKA MARSIIYO DADKA GALA DAMBIYADA.

    Walaalayaay Soomaaliyeed iga guddoon salaam wacan. Runtii ma jecli in Aan faraha lagalo arrimo dadka qaarkiis ku kcin karta xasaariyo oo laygu Eedeyn karo, laakin waxaa ila soo udboonatay in aan wax ka iraahdo ciqaab Gacan gooyo ah oo qolooyinka afk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Walaalayaay Soomaaliyeed iga guddoon salaam wacan. Runtii ma jecli in Aan faraha lagalo arrimo dadka qaarkiis ku kcin karta xasaariyo oo laygu Eedeyn karo, laakin waxaa ila soo udboonatay in aan wax ka iraahdo ciqaab Gacan gooyo ah oo qolooyinka afka duubta ee la wareegay maamulka Jubbooyinka ciqaab ah gacan gooyo oo lagu fuliyay wiil dhallinyaro ah ma Gaalada Kismaayo. Runtii anigu wax ka sheegi mayo waxa uu Quraamka Kariimka ah oo ah Sharci Ilahay soo dajiyay waxa uu leeyahay. Quraamka

         

Waa digniin nala siiyay wuxuuna na farayaa wixii Ilaahayga Macbuudka ah uu raalli ka yahay iyo waxa uusan raalli ka ahayn.

Muddo hadda ka hor ah ee laga joogo sanooyin ayaa kaddib markii dhibkii
Uu aad u badatay ay Beesha Bahwaynta Muddullood ee aan ka dhashay
Qaadatay in wax lagu xukumo Shareecada Islaamka ; waxaa dhidibbada loo aasay Maxkamaddii Islaamiga ee muqdisho oo guddoomiye looga dhigay
Mudane Sheekh Cali Maxamuud oo loo yaqaan Sheekh Cali Dheere.
Anigu waxaan kamid ah aqoonyahannadii loo xil saaray in ay dhisaan qaab dhismeedka Maxkamadda waxaan ahayn 11 qofood oo 10 ay rag ahaayeen
Aniga kaliya ayaana haween ka ahaa.

Waxaana diyaarinay waxa afka qalaad loo yaqaan ORGANIRGAMMA o
Ah dhismahaMaxkamadda min Guddoomiye ilaa xubno iyo sida ay xilalka
U kala hayaan culimada waxaana Muddulood uu si wada jir ah u ansixiyay
Qalinka ku duugaay. Runtii qof walibo maskax uu ku fekero ayuu leeyahay
Oo uu waxa ku kala soocdo xume iyo sami oo waxa caqliga oola siiyay in aan tashanno oo waxa Ilaahay na faray iyo waajibaadkeena gudanno.
Maxkamaddii uu Shekh Cali Dheere uu madaxda ka ahaa qisa waa huliay, sidoo kale gacan gooo iyo karbaash.

Runtii waa lagu diirsaday waa la mahadiyay, nabad ayaa la helay dhibkii
Waa dhammaaday. Waxaamarag ma doonto  ah in in saqdii dhexe qofkii
Amuuri meel ka soo gasho ay nabad ku baxaysay nabadna gurigeeda dib
Ugu soo noqonaysay. Waxan billawnay in aan dib u xiranno dahabkeennii
Oo meel walbo aan ku maraynay annagoo qoof qabin iyo amaa lagu dhacaa
Waxaan xusuustaa intaan la dhisin maxkamadda Islaamiga ee Muqdisho
In maalin maalmaha ka mid ah uu iigu urigeyga nin aan qaraabo nahay oo
Aad iyo aad u murugaysnaa, waa ka naxay ayaanba u maleeyay in u geeri
Ii sheegi rabo. Markaan waraystay wuxuu ii sheegay in maalintaas maalin
Tii ka horreysay uu gurigiisa ka soo tagay asagoo baahi awggeed  canug
Yar uu dhalay la oynaayo, misana xalay waaga ugu baray oohin canuggii
Subaxaasna isla sidii uu ugasoo tagay; wuxuu yiri shaqo ma hayo oo wa
Xaan u taago uma heli karo meel kasto aan galayna dayro maahine
Wax kalama kulmin, Fadumooy waa is qaybay iyo in aan fal dambyeed galo
Ayaan ku siganahay oo wax booboo oo wax dhaco wuxuu go’aansaday in
Sharaftiisii iyo odaynimadiisii tuuro duruuf adag oo la soo daristay awgeed.
Sida la wada ogsoon yahay baahi iyo calool maran waxay ku marsiinayaan
Wax aad ku aayo beeli karto. Ummaddayna tabaalaysan waxa ay ku sugan
Tahay waa og nahay; waxa kallifay in dhallinyaradaynii ay saxaraha iyo badaha ku xalaagmaan waa nolol xumo la soo daristay. Waxaan ldhawr beri ka hor ku arkay joornaalka “ Corriere della sera “ in dad kor u dhaafay 200
Qofood dib loogu soo celiyay Dalka Liibiya markeey galeen Dalka Talya
Niga oo ay doonayeen in ay uga tallaabaan meel nolol leh. Waxay soo ma
Reen socdaal dheer iyo xakaar waxaa dib layskagasoo celiyay meeshii
Ay doonida ka soo raaceen ooy ka soo ambabaxeen.

Haddaan dulucda qormadayda dib ugu soo noqdo, sharcigii markuu hirgalay oo maxkamaddii ay shaqaysay waa la neefsaday inkastoo ay mararka qaarko
Od wax dhici jireen. Mudane Shekh Cali Dheere Guddoomiyihii Maxkamad
Da wuxuu go’aansaday markii dambe in uu joojiyo gacan goynta oo lagu beddelay in la karbaasho ama la xiro qofka wax xada ama dhaca. Waa la waydiiyay sababta kalliftay wuxuuna yiri in Dalka ay u dan ahayn dhallinyaro wada curyaan ah wuxuu arwaaqsaday in dadku baahan yihiin

Naftana ay kallifayso in ay ku geliso dambi tuugo si ay ubadbaado wuxuuna
Noo sheegay In berigii asaxaabihii Khaliifkii Muslimiinta Amiirul Mu’mini
In wakkhti dhibaato iyo nolol xumi carriba ka jirtay uu joojiyay ciqaabta
Ah gacan gooyada wuxuuna ku beddelay in si kale loo abaal mariyo.
Waxaan ku arkay webka gacantii oo la goynaayo iyo ayadoo la gooyay, wa
Xaan is waydiiyay nimanka miskiinkaasi gacanta uga goynaayo qiimo wax uu xaday ee dhan () dollar. Ayagu maxay yihiin yaa talo saartay yaa siiyay
Awoodda, horta ceeb ka saliim ma yihiin , ciligooda xaggee gaarsiisan yahay. Waxaan arkay sidoo kale nin la daaf wareegayo nin muslin ah oo walaah soomaaliyeed ah oo uu rabo in uu bireeyo.

Magaalada Kisaayo waa tii ay ka dhacday arrintii gabadha saqiirta ahayd ee lagu dilay si xaqdarro dhagaxa. War xaggee loo socdaa, waa yaabe iyo amkaage yaa noo maqan ! Ilaahay ayaa noo maqan runtii laakin yaqaan
Noqon doqontii qaddar alle baratay Ilaahay waa na baray danteenna. Gumeystihii caddaaba waa iska xoreynee Somaaliyeed kuwa dhiigyacabka
Ah oo beer naxa aan lahayn aan iska xoreyno.

Haddii ay mas’uuliyadi jirto qofkaasi dambiga laga fuliyay oo curyaamay
Waxna aan mustaqbalka qabsan Karin waa damaana qaadaya noloshiisa
Waxaa lagu sii daynayaa beledka iska celi waaye sitaa daawo iyo nafaqo
Heli mayo.

Waxaan nahay waddan sabool ah oo burburay oo ilaa iyo hadda inkastoo Ilaahay ialbaabadiisa oodi saarnayn yaa u gargaarayo ninkaasi la addin
Tiray ee dhallinyarada ah. Waxaa dhici karta xitaa in uu lahaa xaas iyo
Caruur; ma u malaysiin in qoyskiisa sii dhaqnaanayo, ilmihiisa mujtamaca
Sideey ugu dheh jiri doonaan, mase laga filanayaa in ay noqdaan muwaadi
Niin tosan ee Dalka wax tara, caruurta asagood ah dugsima la dhigan karaan?. Nimanka gararkawaaweyn oo leh waxaan ahay caalim oo Sheekh
Hebel ayaa lay yiraahdaa oo ayaga habeemba naag aroosayaan ee caloolaha waawayn waa waano beeleene naganma tirsanee waa wax cilloon oo masiibo nagu ah ee Soomaaliyeed iska qabanno. Dad waa dhammaaday ee
Hambaa hertee ha la caymiyo. Dawlad waa leenahay waxayse ka dhimatay
Shicib, maalin ayaan ku kalsoonahay in xaqa soo daahiri doono ee Ilaahay
Ha kaso in intaan aakhiro la gaarin ay yiraahdaan Ilaahayoow turaab maxaa
Nooga dhigi waysay.

WA BILLAAHI TOWFIIQ

Waxaa qortay

Faduma Axmed Maxamuud Cadde

         ( Qoorwayne )

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip