MUSUQMAASUQA MUQDISHO IYO KOOFURTA

0
Wednesday March 23, 2016 - 03:27:53 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUSUQMAASUQA MUQDISHO IYO KOOFURTA

    (Baadida nin baa kula dey deyi daalna kaa badane ha yeeshee aan dooneeyn inaad heshaa daa'in abidkaaye).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Baadida nin baa kula dey deyi daalna kaa badane ha yeeshee aan dooneeyn inaad heshaa daa'in abidkaaye).

Mashruuc a ka socda Xamar iyo agagaarkeeda wuxuu gaaray wax aan xayawaanka xitaa loo sheegi karin,dhowaan dowladu hub ayeey puntland u dirtay si eey shabaab shacabkaasi isaga caabiyaan ,balse maalmihii ku xigay,xero dhan hubkii iyo saanadii taalay ayaa lagu wareejiyey shabaab,10neeyo gaari oo astaantii ciidanka Qaranka leh ayaa shabaab calan kooda ka tagteen, waa hubkii berito shacabka lagu leeyn lahaa,qarash iyo howl badan ayeey xerada iyo hubkeedu dowlada ugu fadhiyaan,dowladihii laga soo baryey hubkaa , 

mid kale ma bixinaayaan oo weey muuqataa ineey shabaab hubeeynaayaan si sahlan weliba,waxaa ka horeeyey sidii loo fududeeyey qaraxii airport ka iyo daalo, iyo dhacdooyin kale oo badan,shacabka Muqdisho guryohooda ayaa Madaafiicda shabaabku ka kor tuuraa,Dana kama galaan,xildhibaanada iyo Masuuliyiin ta dowladu wiil ka bamka lagu soo qabto weey soo daayaan,cid lala xisaabtamaa ma jirto.

Masuuliyiin tii waa kuwaas aan aragnay oo xeradaas dhan nin ama laba ayaa iibsaday, shacab kuna waa kuwaas wiil ka qarxinaya hoosta gashanaaya, waxa maalin waliba le anayana waa caruurtu Mustaqbal ka, Ubixii dalka Madaxdii berito.

Hadaba si mashruucaan uu u dhamaado waa in deegaan waliba dadka degan ciidan iyaga u gaar ah,sirdoon iyaga u gaar ah, iyo talo gacantooda ku jirta oo aan la iibsan eey sameeystaan.

Hadii taas aan la helin ogaado idinkaa ka raaliya in la idin laayo,waxa idin leeynayana waa isla adinka.

Abwaan Cumar Jebshe wuxuu yiri:
Dood been ah maahane
Hadal duluc leh maan arag
Dictaatoor xun maahane
Muuqii doowlo maan arag
Askar diif leh maahane
Mid daryeelan maan arag
Janan dacas leh maahane
Mid dareeys leh maan arag.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip