Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Ka Socda Baledweyne

0
Wednesday May 18, 2016 - 13:30:16 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 951
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Ka Socda Baledweyne

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Galbeedka Magaalada Baledweyne ayaa sheegaya inuu halkaa ka soconayo Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo Beelood oo shalay ka biloowday Xaafadda Howlwadaag ee Magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Galbeedka Magaalada Baledweyne ayaa sheegaya inuu halkaa ka soconayo Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo Beelood oo shalay ka biloowday Xaafadda Howlwadaag ee Magaaladaasi.

Goobjoogeyaal ayaa Xaqiijiyay in Dagaalka Maanta uu ka duwan yahay kii shalay ka dhacay Galbeedka Magaalada,waxaana labada Dhinac la sheegay in ay isku Adeegsadeen Hubka Culus ee Madaafiicda ah.

Dagaalka maanta ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ilaa 10 Ruux dad ku dhaw,iyadoo dhaawacuna lagu sheegay inuu kor u dhaafayo ilaa 15 kale.

Dadkii ku noolaa Galebeedka Magaalada ayaa intooda badan ka Barakacay Dagaalka,waxaana sidoo kale Dagaalku uu saameyn ku yeeshay Xaafadaha kale ee Magaalada.

Ma jirto wali Cid isku howshay in ay kala dhexgalaan Maleeshiyaadka ku dagaalamaya Galbeedka Magaalada Baledweyne.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip