Madaxweynaha Oo Dhagax Dhigay Isbitaal Loogu Magacdaray Sheikh Zayed

0
Saturday May 21, 2016 - 22:16:27 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Dhagax Dhigay Isbitaal Loogu Magacdaray Sheikh Zayed

    Mogadishu, 21 May 2016" Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax dhigay qeybtii labaad ee dhismaha lagu ballaarinayo isbitaalka Sheikh Zayed ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu, 21 May 2016" Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax dhigay qeybtii labaad ee dhismaha lagu ballaarinayo isbitaalka Sheikh Zayed ee magaalada Muqdisho.

Mashruucan uu maanta Madaxweynaha dhagax dhigay ayaa waxaa maalgelintiisa iyo hirgelintiisaba ku deeqay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Dowladda Imaaraadka Carabata doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka.

"Walaalaheena Imaaraadka Carabta waxay mar kale inoo muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay ina garab istaagaan. Mashruucan waa mid waxtar u yeelan doona shacabka Soomaaliyeed’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa kale oo ka soo qeybgaley Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Al-Othman, diblomaasiyiinta dalalka shisheeye u fadhiya waddanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Soomaaliya.





———————-DHAMMAAD———————-

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip