Ciidanka amaanka dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay 5 Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo 10-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo iibinayay qalabka loo keeno ciidanka AMISOM.
Askarta iyo dadkaan ayaa ciidamada amaanka Soomaaliya waxa ay ka qabteen Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu qabtay ciidanka AMISOM iyo dadkaan ayaa waxa uu sheegay in ciidanka amaanka ay daba socdeen arintaan ugu danbayntiina maanta ay u suurta gashay in ay qabtaan shaqsiyaadkaan iyo Alaabihii ay iibinayeen.
Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa isna dhankiisa sheegay in ciidanka AMISOM ee la qabtay iyo dadka la shaqaynayay sharciga la horkeeni doono.
Ugu danbayntii Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in arintaan ay tahay danbi oo aysan ka haraynin dowladda Soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya Oo Xabsiga Dhigtay Shan Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka AMISOM
Ciidanka amaanka dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay 5 Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo 10-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo iibinayay qalabka loo keeno ciidanka AMISOM.