Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Maalinta Qaxootiga Caalamka

0
Monday June 20, 2016 - 15:35:04 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Maalinta Qaxootiga Caalamka

    Xili maanta ay ku beegantahay maalinta qaxootiga caalamka ayaa dowladda Soomaaliya waxay ka hadashay xaalada dadka qaxootiga ku ah dalalka Calaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xili maanta ay ku beegantahay maalinta qaxootiga caalamka ayaa dowladda Soomaaliya waxay ka hadashay xaalada dadka qaxootiga ku ah dalalka Calaamka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay kumanaan qof oo Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah dalalka Calaamka.

War saxaafadeed laga soo saaray xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin muhiimada dowladda Soomaaaliya ay u leedahay maalinta qaxootiga .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya ay ku barakaceen kumanaan qof oo Soomaaliyeed kuwasoo hada ku dhibaateysan dalalka Caalamka.

1 million oo qof ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya in ay ku dhibaateysan yihiin dalalka dariska la ah Soomaaliya sida Kenya,Itoobiya,Yaman.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee jooga dalalka caalamka in ay dalka dib ugu soo laabtaan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip