Urur goboleedka IGAD ayaa bilaabay in uu dardargeliyo maamul u sameynta Labada gobol ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo bilihii la soo dhaafay hakad uu ku jiray.
Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo shalay ay gaareen wafdi ka socday ururka goboleedka IGAD kaasi oo uu hogaaminayay wakiilka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afay, Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Jen Gabre ayaa waxa ay halkaasi kulan kula qaateen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Urur goboleedka IGAD iyo Ugaas Xasan ayaa ka wada hadlay sidii loo dhamaystiri lahaa shirka islamarkaana beelaha ka maqan ay ugaga soo qeyb gali lahaayeen.
Danjire Afey ayaa sheegay in kulankoodii ay Ugaasku isku afgarteen inta badan waxyaabihii ay ka wada hadleen inta kalana dhowaan la dhamaystiri doono.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay isku dayday in ay maamul usameyso gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe balse dowladda ilaa iyo hada wax muuqda kama aysan soo saarin shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo sanadkan la filayo in dalka ay ka dhacado doorasho.
Urur Goboleedka IGAD Oo Bilaaway Dhamesytirka Shirka Hiiraan Iyo Shabeellaha Dhexe
Urur goboleedka IGAD ayaa bilaabay in uu dardargeliyo maamul u sameynta Labada gobol ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo bilihii la soo dhaafay hakad uu ku jiray.