Howlgal Xalay Laga Sameeyay Degmada Wartanabadda Ee Gobolka Banaadir + Sawirro

0
Saturday June 25, 2016 - 10:07:39 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal Xalay Laga Sameeyay Degmada Wartanabadda Ee Gobolka Banaadir + Sawirro

    Ciidanka amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay xalay howlgalo ka sameeyeen Qabuuraha Generaal Da'uud Degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay xalay howlgalo ka sameeyeen Qabuuraha Generaal Da'uud Degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir.

Howlgal kaan ayaa waxaa lagu soo qabaty gaari kaarib ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u sheegay in wali ay baaritaan wadaan ciidamada, sidoo kalana la ogaanayo in ay jiraan walxo kale oo qarxa oo lagu diyaarinayay goobta laga qabtay gaariga.

Mudane Cabdifataax Cumar Xalane waxa uu tilmaamay in waxyaabaha lasoo qabtay ay kala ahaayeen Qoriga RPG-ga, Boolal aad u fara kuwaasi oo la doonayay in lagu sameeyo waxyaabaha qarxa islamarkaana lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaliyeed.

Howlgal kaan ayaa waxaa uu daba socdaa madaafiic xalay lagu garaacay qeeybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip