Madaxweynaha Oo Ka Qeybgaley Tukashada Salaadda Jannaasada Ee Marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza (sawirro)

0
Tuesday June 28, 2016 - 13:59:15 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Ka Qeybgaley Tukashada Salaadda Jannaasada Ee Marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza (sawirro)

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza oo dhowaan ku shahiiday weerarkii waxashnimada ahaa ee argagixisada ku qa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza oo dhowaan ku shahiiday weerarkii waxashnimada ahaa ee argagixisada ku qaadeen mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa salaadda jannaasada kadib mid mid u gacan qaadey ehelada iyo qoyska marxuumka, isagoo mar kale uga tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuum Burci oo sidoo kale ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Degaanka.

Waxaa sidoo kale tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Burci Maxamed Xamza ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dowladda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale.




--------------------DHAMMAAD-------------
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip