Shililiqoonka Suuqyada. Faalo Aqriste......

0
Wednesday May 13, 2009 - 12:18:01 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shililiqoonka Suuqyada. Faalo Aqriste......

    Wacdaraha adduunkana,dad baan wax ku qaadanoo waab ay ka gashoo,waalida uun wehel ka dhigtee.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wacdaraha adduunkana,dad baan wax ku qaadanoo waab ay ka gashoo,waalida uun wehel ka dhigtee.....


Tani waa mida maanta nahaysata haddii aan anahay soomaali weyn.

Sagaal iyo tuban sanno oo dhib, boob, qax, dhac iyo dil aan ku jirnay
oon ku eer sheeganaynay in waxa nahaystaa ay yihiin qabyaalada iyo
qabiil kaalkaalka,balse maanta waxa dhacaya maxaad ku sifayn lahayd?

Marxaladaani runtii waa marxalad adag oo la sugaayay in ay timaado, waayo haddii aan taariikhda dib u rogno, xilligii maxkamadihii islaamiga ay soo if baxayeen waxay ku bilowdeen si lama filaan ah oo mar qura ayaa lawada qaatay koofiyado, cimaamado,waxaana lagu wada yaacay masaajid yadii ,
waxaana lagu wada dhawaaqay allahu akbar.goob kastaa iyo meel kastoo
leeskugu yimaado waxay noqotay in la adeegsado usluub diini ah ,si shacabiga loo soo jiito,ayadoo ujeedadu tahay in laga taqaluso hogaamiya kooxeed yadii xilligaas ka so horjeeday oo ay u arkayeen in ay khatar ku yihiin jiritaan kooda.
Runtii way ku guulaysteen waana tii dhalisay guushii lama ilaabaanka ayahad oo ay gaareen maxaakiimtii waagaas. Hadaba hadaan iswaydiino akhristow su'aasha ah maxaa is bedelay maanata ?


Maxaakiimtii shalay sow ma ahan kuwa maanata jooga,shaqsiyaadkii shalay wanaaga looga bartay maxaa maanta mujrimiin ka dhigay ?

Shacbigii shalay loogu baaqay in diintu tahay xalka kaliya ee jira, maxaa maanta madaafiic loogu bedelay ?

Su'aalahaas aan kor ku soo xusnay waxaan jawaabtooda ku soo koobi karnaa in laba shay oo mataana ah ayna meel isla geli karin, sida run iyo been,xaq iyo baadil,daacad iyo daacad daro. Sidaas darteed ayay maxaakiimtii islaamka u kala jabeen,waayo waxaa ku jiray dad aysan daacad ka ahay sheegashada ku dhaqanka diinta , dad aan xaqaba jeclayn oo ay ka ahayd qiiq isku qaris ,laaki markii la soo gaaray bartii dhamaadka ee la rabay in arintu caga dhigato ee asalkeedii gaarto , ayaa maradii ka dhacday uuna xaalkii noqday xaal makshuuf.
Hadaba, dadkaani waa dad u bartay xumaanta iyo xaq aysan lahay in ay xoog ku haystaan, marka lagama sugaayo in nabad lagu tuugo ay qaataan,waayo waa dad jiran oo maskaxda laga soo dhaqay oo diin qaldan lagu soo shubay. Waa dad aan diin wax ka aqoon ee afar shariid afartan habeen soo dhegestay,ayagoo isu haysata in diintiiba ay tahay inta shariidka ka maqleen. Waa qoom culimadii waa weyneed oo diinta looga dambeeyay gaalnimo ku sifeeyay,waa dad waalidkii dhalay sinaad nagu dhashay lasoo indhacad, waa dad culimadii caalamka oo dhan ee nabada ugu baaqday ka talaabsaday.
Hadaba haddii shuyuukhdii oo dhan war laga diiday. odayaal dhaqameedyadiina aan dhegba loo raaricin,bal shareecada la raadinaaya oo ay dalbanaayaan kooxakaani sida Alshabaab,xisbul islaam iyo kuwa kale oo lahal maala maxay tahay ?

Si kastaba ha ahaatee kooxahaani waa nabad diid ,waa qaran diid, waa dad xirfad ka dhigtay in ay dagaal oogan si ay danahooda gaar ka ah ugu fushadaan,dantaasoo ay ka dambeeyaan shabakada caanka ah ee alqaacida,waana khawaarijtii qarnigaan, lagamana yaabo in qanan soomaaliyeed oo caafimaad qabo lahelo inta ay kooxahani diinta haleeyay fariisimo ku leeyihiin dalka soomaaliya. Anigu waxay ila muuqataa in shacabu meel uga soo wada jeesto loona diido in ay naga dhex dagaalamaan,si aan u dhow rano caqiidadeena , diinteena iyo shareecadeena saxda ah.

Dhinaca dowlada midnimada qaran,waxaan dhihi lahaa in ay wax ka bedesho istiraatiijiyada dagaal ee ku wajaha kooxaha khawaarijta ,waayo nama anfacdo shililiqoonka suuqyada dhexdiisa ah ee qolaba qoladaka dhinac u riixayaso ee lagu riiqayo shacbi masaakiin ah oo aan waxba galabsan. Marka waa in ay dowladu abuurtaa jawi ah shacbi musalax taasoo ah in shacabka hobka gacanta loo geliyo si ay iskaga difaacaan khawaariijta,waayo macquul ma ahan in shalay dadkii hubaka laga qaaday ee layiri dowlad ayaa timid ee hubka dhiga ayadaayaaidindifaacaysa.

Maantana ay khawaariijtii ay guryahoodi dhufayso ka dhigtaan ,gabdhahoodiina lagu kufsanayo guryaha dhexdooda,taasi waxaan u arkaa garba duub cusub oo dadka muqdisha u dhashay loogu talagalay.sidaa darteed ,haddii aysan dowladu kaashan shacbiga dhulka u dhashay ee lagu kor diriraayo lagama yaabo in lagaaro guul deg deg ah dagaal kastoo lagalo.

Waxaan jaclaystay in aan halkaan idin kugu soo gudbiyo tixyar oo maanso ah oo aan ka tiriyay marxaladaan cusub ,waxaana ugu magac daray {Shililiqoonka sooqyada}. waana tan maansadii:
 
Inta shilal dhacdee
Ummadu lagu shiidaye
Qabuuraha lagu shubay
Maantana shiin la kordhebay
Iyo shiin la hoosdhebay
Sharuud nooga dhigeen
 
Shukadu ma calanbaa
Shacar la raameestiyo
Shaal leesku duubiyo
Culimadana la shiishaa
Ma shareecada islaamkaa
Mise sharuudii Bin ladin ?
 
Shibanahaan muuqdana
Shaqalbaa ka horeeyay
Shar iyo khayr midkood
Kuwaa kala shushubee
Sharta uun la haray
Ma shareecaday qoraan ?

Shalay amiirbay lahaayeen
Maantana way shareerayaan
Shirqool bay la rabaan
Shiddo badanayaashaan
Ma shareecaday shati ugoosteen ?
 
Jihaadkaan la wada sheegtayee
Soomaalida lagu shiidayee
Hadba kii shiishaaniyo
ka yimaada sharqil owsad
Shafka noo garaacayee
Xamar lagu shiqoolayaa
Ma shareecada islaamka
Mise sharuudii Bin ladin ?
 
Shubuhaada qarniyo hore
Ama shililiqoonka suuqyada
Iyo shuftanimadaan qaawan
Haddii caano shimbireediyo
Lagu helaayo malab shabeel
Yahuudkii Shaaroonbaa
Hortiin shuban lahaa
 
Shanta qaaradood adduunka
Shirarkii ka dhacay
Sharaf ninkay ku sheegeen
Soomaaliduna ay sharaxatay
Soow shariifka maahayn
 
Sheekheenii nabadoow
Kol hadad shandhalad tahay
Nuurkaagu shaac yahay
Shaki yay ku gelinin
Shayaadiintaan aruurtee
Shaafintaba aqoon
 
Sheekheenii nabadoow
Shibanaanta badani
Koley nama shaafisee
Shaandheeyoo qorshee
Dadkaagana la showr
Dagaalna u shinhaahay
 
Shabiyaay shabiyaay
Alshabaabka shabiyaay
Shabiyaay shabiyaay
Sharul islaamka shabiyaay
Shartoodana naga xijaaba.
 
 Waa qalinkii Dr.Abukar Baraxow
 Email:Yabaal7@hotmail.com
 12/5/2009


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip