Iyadoo Dalka Turikiga uu Habeen ka hor ka dhacay Afganbi aan u dhicin sidii loogu talo galay ayaa arrintaas waxaa ay saameeyn Xoogan ku yeelatay Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga waxkabarta.
Gudoomiyaha Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga Maxamed C/Laahi Xaashi ayaa sheegay in Dhibka ugu badan uu heysto Ardayda Dalka Turkiga loo qaaday Sanadii 2011.
Ardaydaas ayaa waxaa Dalka Turkiga geeyey Hey’addu ay leeyihiin Dad looga shakiyey inay ka Danbeeyeen Afganbigii Fashilmay ee Turkiga ka dhacay.
Maxamed Xaashi ayaa Sheegay in Ardayda lagu amray xitaa inay Dalka isaga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan guryaha ay dagan yihiina isaga baxaan taasna dhibaato hor leh ku tahay.
Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga ayaa sidoo kale sheegay i n Safaarada Soomaaliya ee Turkiga hada arrintaan xalinteeda ku jirto kuna rajo weyn yihiin inay siwaangsan ku dhamaatay.
Dhanka Dowladda Soomaaliya wali arrintan kama hadlin balse Xukuumadda Soomaaliya ayaa iyana dhankeeda Dalka inay isaga baxaan ku amartay Shaqaale u dhashay Dalka Turkiga Sidoo kale waxaa Shaqada laga joojiyey hey’adda NILE taas oo uu siweyn ugu lug leh Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga Waxbarashada loogu qaaday Sanaddii 2011.
Ardayda Soomaalida Ee Wax Kabarata Dalka Turkiga Oo Cabsi Xoogan Soo Wajahday
Iyadoo Dalka Turikiga uu Habeen ka hor ka dhacay Afganbi aan u dhicin sidii loogu talo galay ayaa arrintaas waxaa ay saameeyn Xoogan ku yeelatay Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga waxkabarta.