Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta Oo Maalinta Berri Furmaya

0
Sunday July 24, 2016 - 12:57:51 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta Oo Maalinta Berri Furmaya

    Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo caasimadda dalka Muratania, si uu uga qeyb galo Shirweynaha 27-aad ee Madaxda Dowladdaha Carabta ee berrito ka furmayo caasimadda dalkaasi ee Nowaks

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo caasimadda dalka Muratania, si uu uga qeyb galo Shirweynaha 27-aad ee Madaxda Dowladdaha Carabta ee berrito ka furmayo caasimadda dalkaasi ee Nowakshood.

Kulan Madaaxeedkaasi oo socon doona muddo Labo Maalmood ayaa waxaa looga hadli doona Ajendayaal ay soo diyaariyeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Ururka Jaamacadda Carabta, waxaana Ajendayaasha ugu muhiim ka mid ah Arrimaha Yemen, Syria, Libya, Somalia, Falastiin, Faragelinta Iiraan iyo Jesiiradaha ay ka haystaan Imaaraadka iyo Ciiddanka Turkiga ee ku sugan gudaha Iraq.

Ururka Jamaacadda Carabta oo magaalladda Qaahira lagu asaasay bishii Maarso 22-da ee sannadkii 1945-kii, waxaa xubno ka ah 22 Waddan, kuwaasi oo kala ah: Masar, Sacuudiga, Iraq, Somalia, Jabuuti, Sudan, Algeria, Bahrain, Kuwait, Jesiirada Komoros, Libya, Syria,Moroko, Muratania, Tunisia, Imaaraadka Carabta, Urdun, Cumaan, Yemen, Qatar, Falastiin, Jesiiradaha Murushiyos iyo Waddaanka Eritrea oo Qaab Goobjooge ahaan ugu soo biirtay Ururka Jamaacadda Carabta sannadkii 2003-dii

Dhinaca kale, Waddan Somalia ayaa waxa uu Ururka Jamaacadda Carabta ku biiray sannadkii 1974-kii.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip