Ururka Qabiilka isu bedelay ee Xizbul Islaam iyo Alshabaab (Faalo Aqriste)

0
Wednesday May 13, 2009 - 21:42:47 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1088
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Qabiilka isu bedelay ee Xizbul Islaam iyo Alshabaab (Faalo Aqriste)

    Ururka Qabiilka isu bedelay ee Xizbul Islaam iyo Alshabaab ayaa waxa ay isku dayayaan in ay la wareegaan degmooyin ka tirsan Waqooyiga Magaalada Muqdisho iyagoo adeegsanaya Rag u dhashay Deegaankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Qabiilka isu bedelay ee Xizbul Islaam iyo Alshabaab ayaa waxa ay isku dayayaan in ay la wareegaan degmooyin ka tirsan Waqooyiga Magaalada Muqdisho iyagoo adeegsanaya Rag u dhashay Deegaankaasi.


Deegaanka Waqooyiga Muqdisho oo ah deegaan mar walba Ammaan ah isla markaasina Kooxahan SHABAAB iyo Xizbulislaamka Qabiiilka isu rogay aysan weligood gaarin ama aysan u gudbin ayaa Hada loo qaban qaabinayaa sidii halkaasi loogu gudbi lahaa.
 
Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo kamid ah Caada Qaadaqaatayaasha Mudulood ee beryahani dambe la waayay warkooda ayaa loo diyaarinaayaa inuu Rafaadiyo Shacabka ku nool waqooyiga Muqdisho.
 
Macalin Xaashi ayaa la sheegayaa inuu beryahani Dhuumaaleeysi ku joogay Deegaan ku dhex yaala Carfiid ilaa iyo inta u dhaxeysa Qalimoow halkaasoo uu ka soo jeedo kadib markii koox waliba oo diin sheeegata ay iska soo Ceyriyeen sababo aanan la ogeyn Owgood
 
Macalin Xaashi oo ah nin Hogaamiye Muuse Suudi la soo shaqeyn jiray laguna tilmaamo inuu ahaa Mooryaan Fara Gooye ah ayaa waxaa uu isu diyaarinayaa sidii uu diinta Xasan Daahir Aways u gaarsiin lahaa waqooyiga Muqdisho
 
Hadaba waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Xisbul Islam iyo SHABAAB ay u wakiisheen Waqooyiga Muqdisho weerarka lagu qaadayo in uu hoggaamiyo Macallin Xaashi Maxamed Faarax maadaama uu yahay Nin aqoontiisa Diineed mid Maaddi iyo Caqligiisuba ay aad u gaaban yihiin oo wada shaqeyn lala yeelan karo
 
 Waxaa soo ifbaxaya warar maalmahani socday oo sheegayay in Xisbul Islamka Qabiilka isu rogay iyo Shabab ay weerar kuyihiin Waqooyiga Muqdisho isla markaasina ay doonayaan in ay la wareegaan dhamaan goobaha Muhiimka ah ee degmooyinkaasi si ay ugu suuragasho dhanka waqooyi ee Muqdisho in ay kala wareegaan dowladda oo idil.


cadnaancade22@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip