Wasiirka Gaashaandhiga Oo Maanta Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Xooga Dalka

0
Saturday August 13, 2016 - 20:15:12 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhiga Oo Maanta Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Xooga Dalka

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta tababar ugu soo xirey xerada Gen. Dhegabadan Ex Jazeera Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isugu jirey Saraakiil, Saraakiil xigeen, Ciidamadda Booliska Dable

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta tababar ugu soo xirey xerada Gen. Dhegabadan Ex Jazeera Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isugu jirey Saraakiil, Saraakiil xigeen, Ciidamadda Booliska Dableyda iyo Injineero, waxana tababarku soconayay muddo 5 bilood ah, kaas oo bixinayeen Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub.

Waxyaabaha tababarkan lagu siiyey ciidamada ayaa waxaa ka mid ah sidii ay u dhowri lahaayeen shacabka, marka ay taageen goobaha laga saaro Al-Shabaab, loona dul-qaato shacabka.

Wasiir Diini wuxuu kula dardaarmay ciidamadii tababar loo soo xiray inay isku diyaariyaan difaaca sharafta iyo madaxbannaanida dalka, taa soo uu sheegay inay tahay midda loo tababaray.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Hoggaanka Tababarka Ciidamadda Xoogga dalka S/G C/laahi Cali Caanood, Taliye ku xigeenka Ciidamadda AMISOM iyo saraakiisha Midowga Yurub ee tababara Ciidamadda Xoogga dalka.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip