Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Dowlada Oo Maanta Tababar Loogu Soo Xeray Muqdisho

0
Sunday August 28, 2016 - 15:24:29 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Dowlada Oo Maanta Tababar Loogu Soo Xeray Muqdisho

    Munaasabadda tababarka loogu soo xirayey cutubyo katirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka Danab waxaa ka qeyb galay saraakiil katirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyey taliyaha ciidamada Xooga General Maxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadda tababarka loogu soo xirayey cutubyo katirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka Danab waxaa ka qeyb galay saraakiil katirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyey taliyaha ciidamada Xooga General Maxamed Aadan Axmed iyo xubno kale.

Ciidamadan oo uu tababar uga socday mudo dugsiga tababarka ciidanka ee General Dhaga-badan ee magaalada Muqdisho ayaa goobta kusoo bandhigay gaada kacayaar iyo xirfado kale oo muujinayey sida ay ugu diyaar garoobeen difaaca dalka.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed General Maxamed Aadan Axmed oo halkaasi kula hadlay ciidanka, ayaa sheegay in ciidankan oo kamid ah Danab ay u diyaarsan yihiin sidii cadowga ay uga difaaci lahaayeen dalka, isagoo ciidankana kula dar daarmay in si daacad ah ugu adeegaan dalka.

Ciidamada Danab oo kamid ah xooga dalka ayaa horey ugu guuleystay howlgalo dhowr ah oo ay ku bartilmaameedsanayeen horjoogayaal iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip