Somalida waxaa eey dhahdaa Rag waxa ugu liita ciil kama baxe iyo calooshiisa la ciyaare Indhacade waxaa uu gubay kaarkii ugu danbeeyay waxaana uu qaatay in shacabka reer Muqdisho uu aad u kala fogaado noqdana shacab qaata fikirkiisa guracan ee qabiilka ka uraayo halka dowlada midnimada qaran eey qaadatay ku dhaqanka shareecada Islaamka, Doqonkii lumay oo la soo helay wuxuu yiri; "Maxaa la iigu farxi berriba waan lumiye".Indhacade iyo X.Daahir waxeey qaateen fikir guracan oo ah in umada lagu celiyo qabiil, waxaanse aad ugu xumahay in Culumadii dhahday waxaan nahay dhaxalka ambiyada cid-naga danbeeysa oo wax la weeydiinayo ma jiro garsoorka xalaal ah waa eey keeni waayeen waxeeyna ku rafteen lega jecli beerka jecli, waxaa eeyan marna soo hadal qaadin gumaadka shacabka cida ku wada, dhiiga daadanaya cida ka masuulka ah,shacbka waxaa uu sugayay garsoor cadaalad ku dhisan iyo eraydii reer Muqdisho eey ugu barteen Sh.Dr.Axmed Daahir oo xaqiiqdii si geesinimo ah u diiday gumaadka!
shacbka lagu wado waxaana uu dhawaaq dheer ku dhahay dhiiga musliinta reer Muqdisho mahaa mid cayaar cayaar ah, balse waa mid mudan in la qiimeeyo lagana jiseeyo kuwa gumaaday shacbka xamar ka geeystay,waxaa uu dhawaaq dheer ku cel-celiyay in la soo tiro koobo inta lagu gumaaday iyo hantidii la baabiyay su´aasha mudan in la weeydiiyo Sh.Dr.Axmed Daahir oo ah ninka eey wallaalaha yihiin X.Daahir Sheekhow sow qumana in aad wallaalkaa u hiilisid xiligan adiga oo ka qabanaya dunuubta iyo gumaadka uu umada ku hayo ????????
Qofkii si kam ah u dila qof mumin ah jisadiisa waa jahanama in uu ku waaro Ilaahna waa u caroon waxaana ku dhaceeyso nacalad Ilaah koleey Sh.Dr.Axmed Daahir intaas waa garan miyeeynan mudneeyn in wallaalkaa xiliga hiilada uu kaga baahan yahay eey tahay in aad ka celisid dhiiga muslimka ee uu ku dabaalanyo ????
miyeeynan quraanka u fiirsan oo eeyan fahmin si dhab ah mise mise quluubtoodaa daboolan, culumada sideey ku wajahayaan jawaabaha ka soo yeeraya Abu-Zubeeyr marba haddii uu dafiray in eey dhexdhexaad ka yihiin dhibka socda dowladana eeyan aheeyn dowlad Islaam ?? waxaan filayaa in culumada kaarkoodii weli uu dul yaal Al Shabaab in lagu soo celiyo xuduuda Ilaah baneeyay marba haddii eey diideen dhexdhexaadinta iyo garsoorkii eey ka wadeen colaada xamar ka jirto.
Inqilaabka Indhacade iyo kooxdiisa waxeey aheeyd dhagar iyo qayaano qaran balse Ilaah ayaa fashilay kana dhigay mid umada eey ku baraarugtay lase ogaa macnaha ka danbeeysa Inqilaanka oo ahaa in umada u istaagtay shareecada qaadashadeeda dib loogu bedelo qabiil qaadashadiisa,waxaan aad ulla yaabay dadka kicinaya dagaalka qabiilka iyo in aan u noqono 1991.Inqilaabka waxaa dhigat Indhacade iyo X.Daahir oo eey garbinayaan rag Mudulood ah weliba ka soo jeedo jufada sheekh shariif ,weli fursad iyo rajo ayaa jirta in shareecada la qaatay lagu dhaqmo, waxaan jeclahay in aan u soo jeediyo Sheekh Shariif iyo dowlada midnimada qaran talooyinkaan.
1) Maadaama xukuumada iyo baarlamaanka eey qaateen ku dhaqanka shareecada Islaamka waxaa waajib ah in xubnaha baarlamaanka ee kala duwan in eey qaadaan risaalada ku dhaqanka shareecada Islaamka geeyaane gobolada dalka sida Puntland, Somaliland, Bay, Bakool, Gedo, Kismaayo, Gaalkaayo iwm waayo sideey u matalaan shacabka eey ka yimaadeen haddii eeyan geeyn karin risaalada xaqa ah.R/wasaaraha, gudoomiyaha baarlamaanka waa in eey gaayaan gobolada eey ka soo jeedo si umada ku dhaqani dhulkaa eey u dareemaan in dowlada midnimada qaran eey wax ku leeyihiin.
2) Sheekh Shariif jawaabta aad ka bixineeysid dhacdaa Inqilaabka waa in eeyan noqon mid la mid ah tii Indhacade kaarkaaga shareecada ku dhaqnkiisa ha dul saarnaado iyo mideeyanta umada somali,weligaa caadifad yeeynan ku qaadin,talada dalka kaligaa ma lahid waa mid somaliweeyn ka wada dhaxeeyso sidaa darteed jufo jufo yeeynan noqon balse dowlad Islaam ah difaacdeeda lahaaw.
3 ) Shir weeyne nabadeed gogol ugu yeer dhamaan inta dudsan sida Odayada qabiilada,indheergaradka siyaasiyiinta waqti iyo goob qabo una xilsaar gudi isku dhaf ah oo abaabula shirka, Ujeedada shirkana waa in lagu qeexaa sidee dowlada Islaamka ah loogu hirgelin karaa somalia, nabada iyo wada noolaansho umadeedana dib loogu soo celin karaa.
4) Sheekh Shariif waxaan kaaga digayaa in lacagaha dalka loogu deeqo in eeyan ku bixin laa´luusha waxaad ogaataa Ilaah xisaabtiisa ayaa kuu dhiman aadane waa ku arkaa.
5) Al shabaab hadafkii eey u abuurmeen xiligaan kuma taagna waxeeyna dalka soo geliyeen Al-Qacida rag ka mid ah oo leh hadaf guracan oo aan somalida la jaan qaadi karin sidaas awadeed Sheekh Shariif adiga oo hogaaminaya dowlada Islaamka ah waxaa lagaaga baahan yahay in aad shacabka ka soo gooysid kuwaa guracan ee aan maslaxad somalia garaneeyn.
Waxaad dhahdaa Nabiyow (s.c.w) adigaa abuuray cirka iyo dhulka Ogna waxa maqan iyo waxa jooga adaase kala bixin addoomadaada dhexdooda waxa eey isku qilaafsan yihiin ,culumadu waxaa mudneeyd in eey qaataan Ilaah qowlkiisa ee ahaa
Haddeey laba koox ama qolo oo muminiin ah dagaalamaan heshiisiiya dhexdooda,haddeey mid ka mid ah xadgudubto oo diido islaaxa dhexdhexaadinta waxaa quman in la la diriro si loogu soo celiyo xuduuda Ilaah sameeyay ilaa eey kaga soo noqoneeyso,haddii eey u soo noqoto xuduuda Ilah u cadaalad fala oo u garsoora Ilaah waxaa uu jecel yahay kuwa cadaalada fala oo garsoora, muminiinta waa uun wallaalo ee wanaajiya wallaalihiin dhexdooda, Ilaahna ka dhowrsada waxaad u dhawdihiin in uu idiin naxariistee. Mumin waxaa la dhahaa qofkii raaca oo rumeeya Ilaah iyo nabigiisa (scw ) aayadaa waa mid dusha ugu dhaceeysa kooxihii lahaa waxaan u dagaalameeyna koryeelida hadalka Ilaah.
Welise waa la sugayaa ee Alow Sahal Umuuraha.
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com
In-qilaabkii Indhacde oo Fashilmay ( Faalo)
Rag haduu is af dhaafo,aayatiina wadaago, afkaa laysku gartaayee, is ugaarsi qarsoon-maaha, isu soo ura maaha, -Adigoo hebel diidan, erya reer hebel maaha, is ugaarsada maaha, caruurtaada cun maaha, in-qilaabna xal maaha.