Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 18-aad‏...

1
Saturday May 16, 2009 - 13:19:56 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 14771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 18-aad‏...

    Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.

1-Su’aal Sheeg inta jeer ee suuratul Baqara lagu sheegay Magaca Allaah?
1-Jawab: Waxaa lagu sheegay 282 Jeer.
2-Su’aal Sheeg inta jeer ee Qur’aanka lagu sheegay magaca Nebi Muuse Cs?
2-Jawab: Waxaa lagu sheegay 113 Jeer.
3-Su’aal Sheeg Qofkii ugu horeeyey ee isagoo Jihaad ku jira ka dagaalama Faras dushiisa?
3-Jawab: Wuxu ahaa Miqdaad Ibnu Caamir Rc.
4-Su’aal Sheeg imisa Axadis ayey Bukhari iyo Muslim ay ka wariyen Asxabigi weynee Abuu Dar Al qifari Rc?
4-Jawab: Waxay ka wariyeen 281 Axaadiis
5-Su’aal Sheeg sanadkii uu Shahiiday Asxaabigii la-oran jiray Muscab Bin Cumeyr Rc?
5-Jawab: Wuxu shahiiday Sanadkii seddexaad (3-aad) ee Hijriyada.
6-Su’aal Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Islaam-ka  oo ku dalaamay Leeb?
6-Jawab: Wuxu ahaa Sacad Bin Abii Waqaas Rc.
7-Su’aal Sheeg ninkii ugu horeeyey ee soo saaro Sabuunta lagu qubeesto?
7-Jawab: Wuxu ahaa Nebi Suleymaan Cs.
8-Su’aal Sheeg yaa u qaada jirka Oxygen-ka iyo Nafaqada?
8-Jawab: Waxaa u qaada Dhiiga.
9-Su’aal Sheeg waa imisa lafaha hadalka loo adeegsado?
9-Jawab: Waa 44 lafood.
10-Su’aal Sheeg qanjirka ugu weyn Bili’aadanka
10-Jawab: Waa beerka.
11-Su’aal Sheeg Qudrada Imisa ayaa biyo ah?
11-Jawab: Waxa biyo ah 20%. Boqolkiiba Labaatan.
12-Su’aal Sheeg tirade dowladaha aan Badda laheyn?
13-Jawab: Waa 26 dowladood.
14-Su’aal Sheeg dhererka Badda Cas?
14-Jawab: Waxaa weeye 2240 km.
 
                                 Dhex-taal Gaaban.
Haddii aan dib idin xusuusiniyo 6-dii su’aaladood ee aan idin weydiinay jimcihii la-soo dhaafay
Waxay kala ahaayeen”
1-Su'aa Sheeg kumuu ahaa asxaabigii loo-aqoon jiray turjumaagii Qur’aanka Kariimka?
2-Su'aal Sheeg Nebi Muuse cs iyo Nebi Haaruun cs keebaa weynaa?
3-Su'aal Sheeg imisa magac ayuu lee yahay Qur'aanka? Maxayse kala yihiin?
 4-Su’aal Sheeg koonfurta Soomaaliya xiligii uu yimid Gumeystaha?
 5-Su’aal Sheeg Maxamed Siyaad barre Markii laga saaray Magaallada muqdisho muxu ahaa                
                                           Oraahdii uu yiri?
6-Su’aal Sheeg kumuu ahaa Aabihii dalka Soomaaliya?
Jawaabaha waxay kala yihiin”
1-Jawab: C/laahi Bin Cabaas Rc.
2-Jawab: Waxa weynaa Nebi Haaruun Cs.
3-Jawab: Wuxu lee-yahay 15 Magac, Waxayna kala yihiin” (1) Qur’aan (2) Furqaan (3) Tansiil (4) Dikri (5) Kitaab (6) Nuur (7) Hudaa (8) Hanuun (9) Raxma
 
    (10) Shifaa (11) Mowcida (12) Caziiz (13) Mubaarak (14) Bashiir (15) Nadiir.
 
4-Jawab: Wuxu yimid 1889.
5-Jawab: Wuxu yiri” Dal waan ka tagay balse Dad kama tagin.
6-Jawab: Wuxu ahaa Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde).
 
                                                 Ogeysiis Gaaban.
 
Waxaan ogeysiineynaa Soomaaliweyn meel walbo oo ay caalamka ka joogto, in bahda barnaamijka kororso aqoontaada ay soo saareen buug balaaran oo ka kooban  300 oo  Su’aalo iyo jawaabo oo diini ah iyo kuwo maadi ah, Sidoo kale Su’aalaha maadiga ah ayaa u badan kuwo ku saabsan dalkeena Somaliya.
Buuggaan aan ugu magac darnay Kororso Aqoonraada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud.

waxaan ugu tala galnay iney ka faa’iideystaan Soomaaliweyn meel walbo oo ay caalamka ka joogto, hadaba haddii aad u baahan tahay buuggaan waxa laguugu keeni karaa caalamka wadan kasto oo aad ka joogto, waxaana laguugu siin doonaa lacag la’aan (Free), Balse waxad la bixi doontaa oo

kaliya lacagta yar oo ay qaadaneyso boostada  oo gurigaaga kuugu keeni doonto Insha’Allah.

Waxaana buuggaan lagu diyaariyey Magaaladda Kuala Lumpur ee Dalka Malaysia.
Haddii aad u baahan tahay kala soo xiriir aqoon114@hotmail.com ama aqoon114@live.com
Ugu danbeen bahda Barnaamijka Kororso Aqoontaada waxay ku balan qaadaayaan soo dhaweyn wanaagsan.

Ugu danbeen waxaa u maahad celineenaa dadkii ka soo wada jawaabay iyo kuwii jawaabaha qaar ka soo saxay. Iyo kuwii isku dayey iney ka soo jawaabaan balse aanan haleelin jawaabaha. Dadkaasi waxaanu lee-nahay maanta haddii aad qaladeen Insha’allah beri ayaad sixi doontaan.

Sidoo kale dadka ku cusub barnaamijkaan aan ugu magac-darnay Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud. Haddii aad u baahantay barnaamijkaan inaad ka qeeb-qaadato. Si’aad u hesho casharadii ku dhaafay, Waxaad kala soo xiriiri kartaa adde050@hotmail.com, Si’aad u hesho dhamaan casharadii horey kuu  dhaafay. Anagana waxaa ku balan qaadeenaa inaad hesho dhamaan casharadii horey ku dhaafay Insha’allah.

Hadaba 6-da su’aaladood iyo jimcaha soo socdo waxaad heysataan hal isbuuc shaqo wanaagsan.

1-Su'aal Sheg kumuu ahaa Safirkii ugu horeyey ee uu Rasuulka (NNKH)  Madiina u diro si uu u baro Qur’aanka?
2-Su'aal  Sheg meeshay eheed meeshii ay aayada quraanka ugu horeesay ku soo degtay?
3-Su’aal Sheeg Nebigii salaada tukaday isagoo dhulka joogin dhismo iyo geednana aan dul saarneyn?
4-Su'aal Sheeg magaalada Boosaaso magacii hore ee loo-aqoon jiray?
5-Su'aal Sheeg Madaxweyne Cabdi Rashiid Cali sharmarke Sanadkii uu dhashay?
6-Su'aal Sheeg ciidaanka caalamka ugu tirada badan.
 
Dabcan su’aalahaan iyo jawaabahoodaba horey ayaan u soo daabacnay. Waxayna la-socdeen casharadii aan soo qaadanay Jawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan gacal053@hotmail.com
 
Waxaa isku soo daba-riday Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email:-
adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip