Madaxweynaha Oo Qaabilay Ergeyga Gaarka Ah UNHCR U Qaabilsan Soomaaliya

0
Thursday October 13, 2016 - 13:36:06 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Qaabilay Ergeyga Gaarka Ah UNHCR U Qaabilsan Soomaaliya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Hay'adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Affey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Hay'adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Affey.

Madaxweynaha iyo ergeyga ayaa ka wadahadley sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo magacaabista ergeyga cusub, isla markaana Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Qaramada Midoobay iyo hay'adaha kale ee caalamiga kala shaqeyso hirgelinta barnaamijyada dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida.

Ergeyga Gaarka ah ee Hay'adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Affey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilkan cusub ee loo soo magacaabey, uuna rajeynayo inuu si buuxda uga shaqeeyo barnaamijyada lagu taageerayo qaxootiga Soomaalida ee dalalka dibedda ku nool iyo barakaceyaasha ku nool gudaha dalka.





----------------------DHAMMAAD-------------------
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip