Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caawa Xaalada Degmada Afgooye

0
Tuesday October 18, 2016 - 20:52:45 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caawa Xaalada Degmada Afgooye

    Xaalada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Caawa degan, kadib Dagaal Ciidanka Dowladda iyo Ururka Al Shabaab ku dhexmaray Degmadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Caawa degan, kadib Dagaal Ciidanka Dowladda iyo Ururka Al Shabaab ku dhexmaray Degmadaasi.

Dagaal saacado kooban qaatay oo ay Al Shabaab kula wareegeen gacan ku heynta qeybo ka mid Degmada Afgooye ayaa ka dhacay halkaasi, inkastoo Shabaaka ay caawa dib uga baxeen Degmadaasi.

Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalantay, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada rasmiga ah.

Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkan ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladooda caafimaad daro wax looga qabto.

Isku Duwihii Wasaarada Maaliyada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo Labo sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeryoodeen Dagaalkan.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa caawa gudaha u galay Degmada Afgooye, waxaana ay halkaasi ka wadaan Howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga.

Dadka Deegaanka ayaa caawa cabsi badan ka muujinaya sida ay tahay xaalada Degmada Afgooye oo caawa aan caadi aheyn, maadaama gelinkii dambe ee maanta uu ka dhacay Dagaal culus.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip