Cumar Cabdirashiid oo toosh ku ifiyay Xasan Sheekh

0
Friday December 02, 2016 - 13:38:21 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Cabdirashiid oo toosh ku ifiyay Xasan Sheekh

    Ra'isul wasaaraha xukuumada uu xiligeedu dhamaaday ee Soomaliya Cumar C/rashiid ayaa sheegay in loo baahan yahay isbedel in lagu sameeyo hogaanka sare ee dowlada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isul wasaaraha xukuumada uu xiligeedu dhamaaday ee Soomaliya Cumar C/rashiid ayaa sheegay in loo baahan yahay isbedel in lagu sameeyo hogaanka sare ee dowlada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee uu kala hor yimaado Madaxweyne Xasan Shiikh tan iyo intii loo magacaabay xilka raisul wasaaraha, iyadoo labada nin ay ka wada tirsan yihiin musharaxinta u taagan xilka madaxweynaha.

Hadalkan ayuu Cumar C/rashiid ka sheegay kulan casho sharaf aheyd oo uu xalay magaalada Kismaayo ugu qabtay xubnaha labada aqal ee ka soo jeeda Jubooyinka.

"Waa la in la bedelaa Hogaanka sare ee dowlada si loo helo qof lala shaqeyn karo oo leh fikrado hogaamineed” ayuu yiri raisul wasaare Cumar C/rashiid.

Waxaa uu ka codsaday xildhibaanada labada aqal ee ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka iney codkooda siiyaan isaga marka la gaaro doorashada madaxweynaha, isagoo balan-qaaday inuu isbedelo waaweyn ka sameyn doono dalka.

Cumar C/rashiid ayaa noqonaya musharaxii ugu horeeyey ee kulan toos ah la qaata xubnaha labada aqal ee ka soo jeeda gobolada Jubooyinka, waxaana la aaminsan yahay in arintaas uu gacan weyn ku siiyey madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Allbanaadir
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip