UJEEDADA KA DAMBEYSO KULANKA MUDANEYAASHA XASAN DAAHIR, XASAN TURKI IYO ABUU MANSUUR (Maqaal)

0
Sunday May 17, 2009 - 20:19:11 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UJEEDADA KA DAMBEYSO KULANKA MUDANEYAASHA XASAN DAAHIR, XASAN TURKI IYO ABUU MANSUUR (Maqaal)

    Shalay oo ay bisha maajo aheyd 17, sanadka 2009, waxaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku shiray Hogaamiyeyaasha Xoogaga Kasoo-horjeedo Dowladda Federaaliga ee Soomaaliya; kuwaa oo kala ah: Mudane Xasan Daahir Aweys, Mudane Xasan Turki iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay oo ay bisha maajo aheyd 17, sanadka 2009, waxaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku shiray Hogaamiyeyaasha Xoogaga Kasoo-horjeedo Dowladda Federaaliga ee Soomaaliya; kuwaa oo kala ah: Mudane Xasan Daahir Aweys, Mudane Xasan Turki iyo Mudane Abuu Mansuur (Mukhtaar Roobow). Waxaa kale oo aan kulankaasi ka maqnaan karin Mudane Axmed Cabdi Aw Maxamuud (Godane) oo iminka la magac baxay Mukhtaar Abuu Zubeyr. Hadaba maxey tahay ujeedada ka dambeyso kulanka Mudaneyaasha Xasan Daahir, Xasan Turki iyo Abuu Mansuur?

Ujeedada ka dambeyso kulanka Mudaneyaasha Xasan Daahir, Xasan Turki iyo Abuu Mansuur waxey aheyd ama hada tahay in dagaal loo dhan yahay lagu qaado Dowladda Federaaliga Soomaaliya isla markaana gacanta lagu dhigo goobo cusub, iyadoo la adeegsanayo sedex taboot ee kala duwan.
 
Tabta Koowaad waxey aheyd ama tahay in aad loo hawlgeliyo kuwa dagaalamo. Tabta Labaad waxey aheyd/tahay in aad loo hawlgeliyo kuwa isbiimeeyo ama isqarxiyo. Tabta Seddexaad waxey aheyd ama tahay in aad loo hawlgeliyo kuwa wax basaaso.
 
Hada marka iyo Cadeynta adeegsiga Tabta Koowaad ee aheyd ama ah  in aad loo hawlgeliyo kuwa dagaalamo waxaa waaye ama weeye: dagaalada ka dhacay Degmooyinka Ceelbuur, Maxaas, Buulo Burte, iyo Magaalada Muqdisho. Waxaa kaloo cadeyn ah dagaalka maanta (17-05-2009) ka socdo Degmada Jowhar.
 
Cadeynta adeegsiga Tabta Labaad ee ah in aad loo hawlgeliyo kuwa isbiimeeyo ama wax qarxiyo waxa ay tahay bam-gacmeedkii shalay (16-05-2009) la rabay in lagu dilo Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ee Gobolka Hiiraan Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Macow oo iminka ka badbaaday. Cadeyn kale waxaa ah hoobiyaha maanta (17-05-2009) lagu gamay Dugsiga Sare Booliska, iyadoo uu ku sugan yahay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
 
Cadeynta adeegsiga Tabta Seddexaad ee ah in aad loo hawlgeliyo kuwa wax basaaso waxa ay tahay Mudane Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo la sheegay maanta (17-05-2009) inuu kusoo biiray Ciidamada Dowladda Federaaliga Soomaaliya, isagoo wato tikniko gaareyso 13.
 
Hadal iyo dhamaantii, Madaxweyne Shariif iyo Ra'isulwasaare Cumar waa iney ka dig-doonaadaan tabaha ay adeegsadaan Xoogaga Kasoo Horjeedo Dowladda Federaaliga Soomaaliya.
 
W.Q. Abdulkadir Abukar Spinato
aa_spinato@hotmail.com
London, 17-05-2009

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip