Kadib markii ay shirar iyo kulamo la qaateen culumado qeybaha kala duwan ee shacabka iyo wali hogaamiyaal bulshada ayaa waxaa culumada ahlusunna loo soo jeediyay in ay ka hortagaan xoogaga hubaysan ee dowlada mucaaradka ku ah oo la sheegey in ay ajaanib u badanyihiin isla markaana aan dan ka laheyn Diin , Dal iyo dadba .
Sh. Bile bashiir Oo kamid ah madaxda sare ee ahlu-sunna waxa uu sheegey in Nimanka la dagaalamaya shareecada in ay yihiin niman aan noolaan karin in ay xabad socota mooyee oo ay yihiin niman dhiigyo cab ah .
Ahlu-sunna wal-jamaacah Oo aad moodo markan in ay ku jiraan qabanqaabo lagu tilmaami karo tii ugu danbaysay oo ay ku doonayaan in ay baacsadaan caloosha al-shabaab ayaa waxa ay ka wadaan dhammaan dalka soomaaliya oo dhan , ayadoo qabanqaabadii ugu wayneed ay ka socoto Caasimadada Muqdisho , baladweyn , gedo , bay iyo bakool iyo waliba jubooyinka .
Mar aanu xirii la samaynay saraakiilsha sar sare ee horkacaysa ciidamada ahlu-sunna ee koonfurta soomaaliya waxa ay inoo xaqiijiyeen in Dagaal uu lagama maarmaan yahay isla markaana shacabka ay u sheegeen in ay la shaqeeyaan culumadooda , waxayna wacad ku mareen in guri guri loo baari doono meel walba oo ay gacanta ku dhigaan .
Ciidamada ahlu-sunna wal-jamaacah oo aan ahayn kuwa qabiil ah oo isgu jira soomaaliweyn oo dhan isla markaana u midoo bay sidii ay umadda dhibka uga korqaadi lahaayeen ayaa waxa ay hadana wataan anshaxii ciidan nimo ee abid soomara dalka , ayagoo iska ilaalinaya xad gudub walba oo shareecada islaamka lid ku ah oo ay kamid tahay dil micno daro ah , bililiqo , qabiil iyo kuwa kale , mana jirto xad gudub ilaa iyo imanka ka soo yeerey meelaha ay gacanta ku dhigeen ahlu sunna.
Isku soo wadaduuboow , Shacabku waxa ay si diiran ula shaqeynayaa culumadooda , lama garanayo xilliga ay howlagalka balaaran bilaabi doonaan culumadu , iyo sida ay u wajahaan arimaha caqabada ku noqonkara .WAR JIRAABA CAKAARUU IMAN .
W/Q: Axmed Mahdi Maxmed (khadar)
E:mail.axmedmbc@hotmail.com
ama axmedmbc@yahoo.com
DAMACA AHLU-SUNNA IYO TAAGEERADA SHACABKA. (FAALO-AQRISTE).....
Culumada iyo shacabka ahlu-sunna oo iskaashanaya ayaa min tuulo ilaa magaalo ka bilaabi raba howgallo waaweyn oo sida la sheegey looga hortagayo danbiilayaal caalami ah oo dalka soomaaliya qalalaaso ka wada .