Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

0
Saturday October 27, 2018 - 16:30:18 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxeysaa israsaaseyn xoogan oo goordhow ka dhacday Isgoyska Seybiyaaono ee Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir,taasi oo sababtay Khasaaro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxeysaa israsaaseyn xoogan oo goordhow ka dhacday Isgoyska Seybiyaaono ee Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir,taasi oo sababtay Khasaaro.

Israsaaseyntan ayaa waxaa la sheegay inay dhexmartay Ciidamo uu watay Gen. Sheegoow oo ka tirsan Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo saarnaa Gaari Cabdi Bile ah iyo Ciidamo Boolis ah, kadib markii uu muran uu soo kale dhexgalay labada dhinac.

Inta la xaqiiyay Saddex qof oo midi haweeney ay tahay ayaa dhaawac uu soo gaaray, kuwaa oo loola cararay Xarumaha caafimaad ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray,kuwaa oo kala waday ciidamada israsaaseeyay.

Xaalada Isgoyska Seybiyaaono ee Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir ayaa hadda degan,waxaana dib u soo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadka oo muddo kooban hakad galay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip