Shariif Xasan oo Ciidamo ku hayb ah Geeyay Madaxtooyadda Koonfur Galbeed

0
Tuesday October 30, 2018 - 09:18:17 in Wararka by
  • Visits: 537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Xasan oo Ciidamo ku hayb ah Geeyay Madaxtooyadda Koonfur Galbeed

    Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa bedelay Ciidankii illaalada Madaxtooyadda Koonfur Galbeed iyo Saraakiishooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa bedelay Ciidankii illaalada Madaxtooyadda Koonfur Galbeed iyo Saraakiishooda.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Shabakada Warsheekh u xaqiijiyay in Ciidamo cusub oo ku hayb ah Shariif Xasan la geeyay Madaxtooyadda Koonfur Galbeed, kadib markii taladaasi ay soo jeediyeen la taliyeyaasha Shariif Xasan ugu dambeyna uu qaatay go’aankaasi.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamadii la bedelay la geeyay Xero ciidan oo ku taalo Magaalada Baydhabo,Ciidan cusub ayaa la sheegay in xalay Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ay ka celiyeen Mas’uuliyiin kala duwan.

Shafiir Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dareemaya culeyso kala duwan oo kaga imaanaya Musharaxiinta loolanka adag ugu jirta xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed,waxaana ku jira Musharaxiinta qaar kuwo dowlada Soomaaliya ay si weyn u taageereyso.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip