Duqayn Xalay Fiidki ka dhacday degaanka Ceel-Dheer oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Baladweyne ayaa lagu Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, ay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna u sheegeen Dadka degaankaas.
Dhanka kale waxaa la sheegay in duqayntaasi ka dib ay Dagaalamayaasha Al-Shabaab Shacabka u diideen inay halkaasi ka baxaan ama ay soo galaan si ay u qariyaan Khasaaraha soo gaaray Al-Shabaab.
Degaanka Ceel-dheer ayaa waxaa Maalmahan kulamo ku lahaa qaar ka mid ah Saraakiil Al-Shabaab ah, iyadoo shirarkoodana ay ka war heleen Dowladaha Saaxiibbada la ah Soomaaliya, kuwaasoo Ciidanka Xoogga Dalka ka caawiya la dagaallanka Al-Shabaab.
Degaankaan Ceel-Dheer ayaa ah halka ay Al-Shabaab gaystaan Xoolaha ay ka dhacaan Dadka Shacabka ah ee ku nool Gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.
Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay Duleedka Baladweyne
Duqayn Xalay Fiidki ka dhacday degaanka Ceel-Dheer oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Baladweyne ayaa lagu Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, ay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna u sheegeen Dadka deg