Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay lagu qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya xili ay baaritaano ka wadeen Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.
Dadka deegaanka Degmada Hiliwaa ayaa waxa ay sheegeen in xiliga uu weerar dhacayay Ciidamda ay wadeen howlgalo amniga lagu xaqiijinayo,waxaana weerar kadis ah kusoo qaaday kooxo hubeysan, waxaana xigay weerarka Rasaas xoogan oo ay isweedaarsadeen labada dhinac.
Ciidamadan ka tirsan Booliska dowlada ayaa watay Gaadiidka nooca dagaalka,waxaana weerarkaasi ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyagoo weerarka kadib bilaabay baaritoono xoogan,weli lama oga cida ay kusoo qabteen baaritaanadasi.
Wararka ugu ee saakay aan ka heleyno degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayan in xaalada ay tahay mid degan,isla markaana ay shaqeynayan Gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala Wadooyinka Xaafadda degmadaasi.
Al-shabaab ayaa mararka qaar waxa ay weerarado kadis ku qaadaan fariisimaha ay ku sugan yihiin Ciidamada dowlada,waxaana habeen ka hor weerar lagu qaaday Saldhiga degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.
Faah faahin kasoo baxeysa weerar ka dhacay Muqdisho
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay lagu qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya xili ay baaritaano ka wadeen Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.