Nin Caan ah oo lagu toogtay Duleedka Muqdisho

0
Sunday November 11, 2018 - 08:34:47 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Caan ah oo lagu toogtay Duleedka Muqdisho

    Dabley hubeysan ayaa xalay Duleedka Magaalada Muqdisho ku toogtay Nin ka tirsanaa Ergadii Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabley hubeysan ayaa xalay Duleedka Magaalada Muqdisho ku toogtay Nin ka tirsanaa Ergadii Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in dilka uu ka dhacay deegaanka Waydoow ee Duleedka Muqdisho,waxaana la sheegay in Ninka la dilay rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Ninka la dilay ee ka tirsanaa Ergadii Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan.

Dabley Bastoolado ku hubeysan ayaa dilka ku fuliyay Maxamed Aadan,xili oo ku sugnaa Waydoow,waxaana goobta uu dilka ka dhacay durbo ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta,waxaana halkaasi ay ka sameeyeen baaritaano la xiriira dilka.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan,kuwaasi oo loo geysto Askarta ka tirsan Ciidamada dowlada iyo dadka shacabka ah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip