Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 19-aad...

0
Friday May 22, 2009 - 10:45:21 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 19-aad...

    Waa barnaamijkii aad inooga barateen Jimco walbo, Wuxuuna Xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa barnaamijkii aad inooga barateen Jimco walbo, Wuxuuna Xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso

1-Su’aal sheeg Magaca Gabadhii Naaska la nuugtay Rasuulkeena (NNKH)?
1-Jawab: Waxay aheyd Shaymaa Bintu Xaaris,
2-Su’aal Sheeg Magaca qofkii ugu horeeyey ee kamida ah Qoyska Rasuulka (NNKH) ee dhintay kadib Markii Uu geeriyooday Rasuulka (NNKH)?
2-Jawab: Waa Fatima Bintu Muxammed Rc.
3-Su’aal Sheeg inta jeer ee uu lug ku xajiyey saxaabigii la oran jiray Xasan Ibnu Caliyi Ibnu Abii Daalib?
3-Jawab: Wuxu ku Xajiyey 20 Jeer.
4-Su’aal Sheeg inta jeer ee uu lug ku xajiyey saxaabigii la oran jiray Xuseen Ibnu Caliyi Ibnu Abii Daalib?
4-Jawab: Wuxu ku Xajiyey 25 Jeer.
5-Su’aal Sheeg Asxabigi la’oran jiray C/lahi Ibnu maktuub imisa Axaadis ayu Rasuulka(NNKH) ka wariyey?
5-Jawab: Wuxu ka wariyey 3 Axaadiis,
6-Su’aal Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Sino darted dhagax loogu dilo iyadoo la oofinaayo Xadka ISlamka?
6-Jawab: Magaciisa wuxuu ahaa Ibnu Maalik.
7-Su’aal Sheeg qofkii ugu horeeyey ee tuugnimo darteed gacanta looga jiray?
7-Jawab: Wuxuu ahaa Qiyaar Ibnu Cudayr.
8-Su’aal Sheeg yaa soo saaray Yahoo-ga?
8-Jawab: Waxaa soo saaray David Fillow iyo Jerry Viango.
9-Su’aal Sheeg ninkii sameeyey nuclear-kii lagu diray magaalooyinkii Heroshima iyo Nagasaki?
9-Jawab: Wuxu ahaa Alberto Eistine.
10-Su’aal Sheeg ninkii horeeyey ee sheega in dhulka uu wareego?
10-Jawab: Waa Nicolas.
11-Su’aal Sheeg waa maxay cudurka loo-yaqaano Geerida madow?
11-Jawab: Waa cudurka loo-yaqaano Daacuunka.
12-Su’aal Sheeg waa imisa murqaha jirka Bili’aadanka ku jira?
12-Jawab: Waa 650 murqood.
13-Su’aal Sheeg maxaa loo-yaqaanaa cudurka ku dhaca Eeyaha?
13-Jawab: Waa Raabiyada.
14-Su’aal Sheeg imisa unug (Cell) Ayaa Isha ku jirta?
14-Jawab: Waxaa ku jira 137 unugyo (Cells).
Dhex-taal Gaaban.
Haddii aan dib idin xusuusiniyo 6-dii su’aaladood ee aan idin weydiinay jimcihii la-soo dhaafay
Waxay kala ahaayeen”
1-Su'aal Sheg kumuu ahaa Safirkii ugu horeyey ee uu Rasuulka (NNKH) Madiina u diro si uu u baro Qur’aanka?
2-Su'aal Sheg meeshay eheed meeshii ay aayada quraanka ugu horeesay ku soo degtay?
3-Su’aal Sheeg Nebigii salaada tukaday isagoo dhulka joogin dhismo iyo geednana aan dul saarneyn?
4-Su'aal Sheeg magaalada Boosaaso magacii hore ee loo-aqoon jiray?
5-Su'aal Sheeg Madaxweyne Cabdi Rashiid Cali sharmarke Sanadkii uu dhashay?
6-Su'aal Sheeg ciidaanka caalamka ugu tirada badan.
Jawaabaha waxay kala yihiin”
1-Jawab: Waa Muscab Bin Cumeyr Rc.
2-Jawab: Waa Xiraa.
3-Jawab: Wuxu ahaa Nebi Suleymaan Cs,
4-Jawab: Waa Bandar Qaasim.
5-Jawab: Wuxu dhashay Sanadkii 1919-kii.
6-Jawab: Waa ciidanka dalka Shiinaha (China).

Ugu danbeen waxaa u maahad celineenaa dadkii ka soo wada jawaabay iyo kuwii jawaabaha qaar ka soo saxay. Iyo kuwii isku dayey iney ka soo jawaabaan balse aanan haleelin jawaabaha. Dadkaasi waxaanu lee-nahay maanta haddii aad qaladeen Insha’allah beri ayaad sixi doontaan.Sidoo kale dadka ku cusub barnaamijkaan aan ugu magac-darnay Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud. Haddii aad u baahantay barnaamijkaan inaad ka qeeb-qaadato. Si’aad u hesho casharadii ku dhaafay, Waxaad kala soo xiriiri kartaa adde050@hotmail.com, Si’aad u hesho dhamaan casharadii horey kuu dhaafay. Anagana waxaa ku balan qaadeenaa inaad hesho dhamaan casharadii horey ku dhaafay Insha’allah.

Hadaba 6-da su’aaladood iyo jimcaha soo socdo waxaad heysataan hal isbuuc shaqo wanaagsan.

1-Su'aal Sheeg asxaabtii uu Rasuulka (NNKH) u doortay inay quraanka soo dagaya uruuriyaan?
2-Su'aal Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya?
3-Su'aal, Sheeg kumuu ahaa asxaabigii uu abuu-bakar u xil saaray ama madax uga dhigay asxaabtii soo ururineesay quraanka?
4-Su'aal, sheeg Magaca Buurta Afrika ugu dheer?
5-Su'aal Sheeg Wax marka ay siyaadaan sii naaqusa?
6-Su'aal Sheeg meeshii ugu horeesay oo soomaaliya ah Misana diyaarad lagu weeraro?

Dabcan su’aalahaan iyo jawaabahoodaba horey ayaan u soo daabacnay. Waxayna la-socdeen casharadii aan soo qaadanay
Jawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan gacal053@hotmail.com

Waxaa isku soo daba riday Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email:
adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia....

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip