Chapu- Malik Canbar. W/Q Ibraahin Howd

0
Tuesday March 02, 2021 - 15:29:51 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chapu- Malik Canbar. W/Q Ibraahin Howd

    Qiyaastii sannadkii 1548 qoys ka mid ah qabiilka Maaya ee Oromada gala waxaa miyiga Harar u gu dhashay wiil loo bixiyay Chapu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qiyaastii sannadkii 1548 qoys ka mid ah qabiilka Maaya ee Oromada gala waxaa miyiga Harar u gu dhashay wiil loo bixiyay Chapu.


  Maaya wax ay ahaayeen qabiil dagaalka balaayo ku qaba oo aad u qab weyn. Dhulkaa berigaa waxaa ka talinaysay dawladdii Awdal ee matalaysay Muslinka Geeska Afrika, taas oo legdan adag ku la jirtay dawladdii Masiixiga Xabashida iyo dadyow Kushuti ah oo weli sii haystay diinta Waaqato. Sida taariikhda ka dhex muuqata reerka wiilku u dhashay wax ay haysteen Waaqato. Muslinku wax ay dhaqan u lahaayeen in ay soo ugaadhsadaan dadka Masiixiga ah iyo dadka kale ee aan Muslinka ahayn, waana ay addoonsan jireen, ama dhulka Carabta ayay u dhoofin jireen. Dawladda Xabashida ee Masiixiga ahi iyaduna dadka waa ay addoonsan jirtay oo dhoofin jirtay, laakiin Muslinka ma ay dhoofin jirin oo Carabtu ka ma gadateen. 

Chapu isaga oo barbaar ah ayay Muslinku addoonnimo u qafaasheen, mana cadda qaabka loo soo qabtay, waxaa se taariikh been u eg ku sheegan in qoyskiisu iibiyeen. Seylac baa la ga dhoofiyay, waxaana la geeyay magaalada Yamaneed ee Mukha. Mar kale ayaa halkaa la ga iibsaday oo la geeyay Baqdaad. Baqdaad baa mar kale la ga soo iibsaday waxaana la wareegay qaaddigii qaaddiyada Maka. Qaaddigii baa markii shanaad ka iibiyay nin reer Baqdaad ah oo la yidhaahdo Miir Qaasin Albaqdaadi. Markan dambe intii uu Baqdaad addoonka ku ahaa sayidkiisii oo aad u la yaabay maskaxdiisa iyo fahmadiisa ayaa u bixiyay Canbar, isaga ayaana muslimiyay. Ninkaasi wax uu Canbar siiyay fursad uu diinta ku barto, waayo qiimiga adoonku wax uu ku xidhnaa hadba waxa uu qaban karo iyo waxa uu yaqaan. 

Sida ay u badan tahay ninkaa reer Baqdaad ayaa Canbar geeyay gobol Hindiya ka tirsan oo la yidhaahdo Dekan (Deccan) dhulkaa oo ay ka dhisnayd saldanad Islaam ah oo loo yaqaannay Axmad-Nagar. Sida la malaynayo suldaanka dalkaas ayuu hadiyad u siiyay ama wax qiimi leh ka ga beddeshay. Canbar halkaa waxaa ku la kulmay oo xusuusqorkiisa ku taariikheeyay ganacsade reer Holland ah oo la dhihi jiray Pieter van den Broecke. Ganacsadahaasi Canbar wax uu ku sifeeyay "kaafir madow oo Itoobbiyaan ah oo leh wajiga reer Yurub".

Si degdeg ah ayuu Canbar u ga soo dhex mudhay hawlihii saldanada Axmad-Nagar, wax uuna ka mid noqday hoggaamiyayaasha ciidanka. Dhiirrani, dagaalyahannimo iyo maskax badni ayuu ku caan noqday.

Isaga oo meel sare dawladda ka ga jira ayuu sayidkiisii dhintay, dabadeed marwadii marxuumka oo Canbar aad u jeclayd baa xoraysay. Maalintaa ka dib mudanahani wax uu fursad u helay in uu soo bandhigo tayadiisa qofnimo iyo ragannimadii ku addoonsanayd ee xorowday. Horta wax uu ka guursaday qoys ka mid ah dabaqadda bulshada u gu sarraysa, wax uuna dhistay reer qurux badan. Wax uu samaystay ciidan dagaalyahan ah oo ka kooban 500 oo askari oo badankoodu asal ahaan ka soo jeeda Geeska Afrika, ciidankaas oo uu ka ga shaqaysto saldanadihii badnaa ee qaaradda Hindiya ka jiray hadba tii in uu u dagaallamo u baahata. Ciidankaas oo yeeshay sumcad aad u weyn tiradooda wax uu gaadhsiin doonaa konton kun oo askari, ilaa uu noqday awood cid waliba kun jeer ku xisaabtanto.

Wax aad is wayddiinaysaa ciidankani maxay ahaayeen?
Dalalka la isku yidhaahdo Qaraadda Hindiya waxaa ku dhaqnaa dad ka soo jeeda Geeska Afrika oo siyaalo ka la duwan halkaa ku tagay: ganacsi, badmareen, xoogsato iyo addoomo intaba. Dadkaa maantadan la joogo tiradooda waxaa la gu qaddaray ku dhowaad hal milyan oo qof, waxaana loo yaqaan Siddi oo la macne ah Xabashi ama Itoobbiyaan. Dadkaas baa ciidankiisa u badnaa.

Berigaa Canbar xoroobay saldanadii kowaad ee uu ciidankiisa u gu dagaallamay waxaa xukumi jiray Suldaan Biljapur, kaas baana inta uu la yaabay ninkan dagaalyahannimadiisa iyo sarrayntiisa u bixiyay Malik Canbar. Maalintaa ka dib taariikhda Chapu/Canbar wax ay ku socon doontaa Malik oo la macne ah boqor.

Malik Canbar labaatankii sano ee 1607 - 1626 wax uu ahaa abbaanduulaha boqortooyadii Axmad-Nagar oo uu madax ka ahaa Nidaam-Shaahi. Wax uu si isdabajoog ah u jabiyay duullaannadii laxaadka lahaa ee Maguulka Jankiiska. Dawlad Delhi ka dhisnayd oo qoyskii reer boqor talada isku qabsadeen inta uu faragaliyay buu xukunka saaray ciddii uu doonayay. Meel walba sidaas buu ka samayn jiray qaaradda Hindiya, wax uuna noqday wadka la isku habaaro.

Berigaa iyo qarniyadii ka horreeyay Caalamka Islaamka waxaa dhaqan noqday in ragga ciidanka haystaa boqorrada ay difaacayaan ka awood bataan oo ka dhigaan magacuyaal. Sidaa darteed Malik Canbar sida uu doono ayuu u gu tasarrufi jiray awooddii weynayd ee uu lahaa, boqorradu isaga ayay isu dhuldhigi jireen, magaalooyin waaweyn oo ilaa maanta caan ah buuna dhisay oo caasimado ka dhigtay. Magaalada cajabta badan ee uu dhisay waxaa la yidhaahdaa Aurangabad, taas oo uu dhex mariyay webi uu dhul fog ka soo jeexay, kana dhex sameeyay harooyin wada galac leh, ilaa maantana loo daawasho tago. Carruurtiisa wax uu u guurin jiray qoysaska boqorrada. Gabadh hablihiisa ka mid ah wax uu u dhisay amiir ka dhashay boqortooyada Axmad-Nagar oo magaciisu ahaa Murtasaq Nidaam Shaah, dabadeed wiilkaa uu soddogga u noqday buu boqor ka dhigay. Gabadh kale oo uu dhalayna wax uu u guuriyay abbaanduulihii ciidanka isla boqortooyadaas, kaas oo ahaa nin aad u magac weyn.

Haddaba kuraygii reer Maaya ee miyiga Harar riyaha ku raaci jiray ee Chapu, addoonkii Canbar ee Carabtu ka la iibsan jirtay, boqorkii Malik Canbar ee qaaradda Hindiya taariikhdeeda siyaasadeed qaabeeyay, wax uu geeriyooday isaga oo 77 jir ah, bishii Meey 13-dii sannadkii 1626, magalada, Khuld-Abaad, dalka Hindiya. Wiilashiisii isaga dabadii wax ay yeesheen magac weyn, meelo badan oo Hindiya ah ayayna ka taliyeen.

Dhismuhu waa xabaashiisii oo ku taalla magaalada Khulabaad. Waxaa xiiso leh, magaalada macnaheedu waa "magaaladii waaraysay", ninkan ku aasanna magaciisu wuu waaray.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip