Odayaasha dhaqanka beesha reer Awqudub ee Sheekhaal ayaa raali-gallin iyo xaal-siin ugu tegay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo la sheegay inuu dhibsaday hadal dhawaan ka soo yeeray Abwaan ka dhashay beeshaas.
Kulanka ka dhacay hoyga Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka deganyahay ayey odoyaasha dhaqanka beesha reer Awqudub uga raali-geliyeen hadal dhowaan uu warbaahinta ka sheegay Abwaan Bedel Kulmiye Xirsi oo ku beel ah.
Odayaasha ayaa Xasan Sheekh saaray cimaamad, sidoo kalena ku sharfay kitaab Musxaf ah, waxaana la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalay raali gelintaas uga timid Odayaasha dhaqanka beesha reer Awqudub ee Sheekhaal
Abwaan Bedel oo bilaawgii todobaadkan ka hadlayay munaasabad lagu taageerayay madaxweyne Farmaajo ayaa hadallo aan munaasab aheyn ku weeraray Xasan Sheekh iyo musharaxiinta kale ee mucaaradka ah, isagoo taageero u muujinayey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyey inuu isku jimeeyey doorashadii xilligaas, balse sidii uu rabay aysan u suurta gelin, sida uu hadalka u dhigay.
Daawo hadalkii Abwaan Bedel, sawirradana hoos ka eeg
Beel Raali Gelin ugu tagtay Madaxweyne Xasan Sheekh (Sawiro)
Mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed isla markaan aad loogu ixtiraamo ilaalinta dhaqanka iyo diinta ayaa raali gelin ugu tagtay madaxweynihi hore ee dalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.