wararki ugu dambeeyay kulanka xasaasiga ah ee Barlamaanka Soomaaliya

0
Saturday May 01, 2021 - 13:33:42 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    wararki ugu dambeeyay kulanka xasaasiga ah ee Barlamaanka Soomaaliya

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maanta khudbad u jeediyay xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo codsan doona in ay dib uga laabtaan go'aankii 12kii bishii April ee muddo kororsiga labada sano.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maanta khudbad u jeediyay xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo codsan doona in ay dib uga laabtaan go'aankii 12kii bishii April ee muddo kororsiga labada sano.

Farmaajo oo dhawaan TV Qaranka kala hadlay shacabka ayaa sheegay in uu 01 bisha May oo maanta ku beegan uu hortagi doono xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo ka codsanaya in dib loogu laabto hannaankii doorasho ee 17kii September, kaddib iska horimaadyadii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee dhaxmaray ciidamo kala taabacsan dowladda iyo mucaaraadka.

Laakiin waxaa soo baxaya shaki la xiriira sida xildhibaannadu ku aqbali doonaan ka tanaasulka go'aankii ay gaareen 12kii April, waxaana ilaa xalay soo baxayay digniinno loo jeedinayay Baarlamaanka oo laga dalbaday in aysan qaadan go'aamo mar kale dalka qalalaase gallin kara.

Midowga Musharixiinta ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu yahay shaqsiga kaliya ee caqabada ku ah in heshiis kama danbeys ah laga gaaro doorasho dalka ka dhacda, iyaga oo dhinaca kalana ugu baaqay Ra'iisal Wasaare Rooble in uu la wareego hannaanka geedi socodka doorashada.

 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip