Kiiska dilkii guddoomiyihii Hodan oo la soo gabagabeeyay iyo xukun laga soo saaray

0
Tuesday May 18, 2021 - 13:19:10 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kiiska dilkii guddoomiyihii Hodan oo la soo gabagabeeyay iyo xukun laga soo saaray

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun ku riday Eedeysanayaal loo heystay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise Dhagajuun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun ku riday Eedeysanayaal loo heystay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise Dhagajuun.

Dhageysiga Dacwada loo heystay kiiskan rag gaaraya 6 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska soomaaliyed oo uu ku jiro Taliyihii Ciidanka Booliska degmada Howlwadaag ayaa soo martay marxalado kala duwan, iyadoo Maxkamadda ay ka hor hadleen raggaas iyo Guddiga baarista kiiska.
Maxkamadda Ciidamada ayaa Taliyihii hore ee Booliska degmada Howlwadaag Gaashaanle Boolis Shuceyb Cabdi Maxamed ku riday xukun ah Shan Sano oo xabsi Ciidan, halka dable Boolis Bishaar Axmed Cabdi oo baxsad ah ayaa isna lagu xukumay Shan Sano oo xabsi ah .

Maxkamadda ayaa sidokale min 2 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday eedeysanayaasha kala ah Jamaal Isaaq Cali, Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf, Faarax Sabriye Afrax iyo Kulmi Kaariye Cali, kuwaasi oo dhammaantood ka tirsan Ciidanka Booliska soomaaliyed.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip