Saxafiyiinta Soomaliyeed ee K/Africa (SOJASA) Oo Tacsi Tiiraanyo leh U Diray Ehelada Weriye C/risaaq Gaadaco.

0
Saturday May 23, 2009 - 21:53:04 in Tacsi by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxafiyiinta Soomaliyeed ee K/Africa (SOJASA) Oo Tacsi Tiiraanyo leh U Diray Ehelada Weriye C/risaaq Gaadaco.

    Ururka Saxafiyinta Soomaliyeed ee K/Africa SOJASA ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Eebe naxariistee Janno ha siiyee weriye C/risaaq Warsame Maxamed (Gaadaco) oo ka tirsanaa Idaacadda iyo Telefishinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Saxafiyinta Soomaliyeed ee K/Africa SOJASA ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Eebe naxariistee Janno ha siiyee weriye C/risaaq Warsame Maxamed (Gaadaco) oo ka tirsanaa Idaacadda iyo Telefishinka Shabelle ee Muqdisho

Weriyaha ayaa shalay ku geeriyooday Dagaaladii cuslaa ee dib uga qarxay caasimadda Somalia ee Muqdisho, ka dib markii ay rasaas habow ah ku haleeshay agagaarka Saldhiga Degmada Wardhiiglay ee Gobalka Banaadir.

 Waa saxafigii Saddexaad ee Sanadkan oo kaliya ku geeriyooda Somalia, iyadoo horey falal qorshaysay loogu dilay wariye Xasan Mayow Xasan oo ka tirsanaa islka Idaacadda Shabelle iyo Agaasimihii Idaacadda iyo Tv-ga madaxa banana ee Horn Afrik marxuum Saciid tahliil Axmed.
 
Xubnaha Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee South Africa (SOJASA) ee Tacsida diraya ayaa waxa ay kala yihiin:
 
Gudoomiyaha ururka Sojasa  :  Mudane Maxamed Muuse nuur (deeqdarajo)
 
G/ xigeen: C/qaadir Axad Dhaqane (Axad)
Afhayeen: Cusmaan Xasan Cali (Fantastic)
Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)
C/nasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo)
Zakariye Xaaji Xasan (Zaki)
Hanad Maxamed Xuseen (Hanad yare)
Gacal Ayman Gacal (Ayman Cade
C/laahi Xaaji Maxamed (Xudduu)
C/qaadir Maxamed Cali (Baakaay
Hanni Maxamed Jigre (Geenyo)
Naciimo Maxamed Cali (Nimca luul)
C/karim Mursal Faarax (Brother)
Maxamed Nuur Warsame (Keyfane)
Maxamed Ismaaciil Maxamed
Saciid Cabdule Xerow (Xerow)
Faarax Daahir Celmi (Faarax Hiiraan)
C/raxmaan Nuur Jillay (Bashaash)
C/laahi Ibraahin Dasar (Xoogsade)
Maxamed C/raxman Axmed (Saxafi)
Ismaaciil Turki
Xuseen Maxamed Geedi (Xeynuuf)
Daahir Maxamed Khaliif (Daahir Baana)
 
Iyo C/risaaq C/laahi Maxamed (indhajaceyl)
 
Dhamaan Saxafiyiintan iyo Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koonfur Africa ayaa waxa ay ILAAHAY SWT uga baryayaan inuu Janadii fardowsa ka waraabiyo Wariye C/risaaq Gaadaco, eheladii iyo asxaabtii uu ka tagayna Samir iyo iimaan ka siiyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN.
 
INAA LILLAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip