Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay goob-joogayaal caalami ah

0
Saturday May 29, 2021 - 22:15:53 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay goob-joogayaal caalami ah

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wufuud ka kala yimid dhawr iyo toban dal, oo Somaliland u yimid kormeerka doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wufuud ka kala yimid dhawr iyo toban dal, oo Somaliland u yimid kormeerka doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka.


Wufuuda ayaa waxa hogaaminaya agaasimaha guud ee hay’ada Brenthurst Foundation DR. Greg Mills, waxana ku wehelinaya madaxweynihii hore ee sierra leone Ernest Bai Koroma.

Waftiga ayaa sidoo kale waxa kamida hogaamiyihii hore ee mucaaradka dalka Uganda ahna musharax utagan madaxtinimada dalka DR. Kizza Besigye sida lagu sheegay warbixin lagu qoray boga Facebook ee madaxtooyada.

Warbixinta madaxtooyada ayaa lagu yidhi "madaxweynuhu waxa uu goob joogayaasha warbixin kasiiyay hannaanka ay Somaliland kusoo caana maashay ee ay halkan kusoo gaadhay in ay tahay kala danbayn iyo isu tanaasul”.

"Shacab qiimo badan oo dareensan qiimaha ay waddaniyadu leedahay taas oo sababtay in ay Somaliland u hirgalaan wax badan oo aan ka hirgalin adduunka intiisa kale, maantana Somaliland lagaga daydo”.

"Madaxweynuhu waxa uu ka codsaday goob joogayaasha in ay indhahooda kusoo arkaan horumarka dimuquraadiyadeed ee ka hana qaaday Somaliland”.

Goobjoogayaasha ayaa ka kala yimid Ingiriiska, Canada, Koonfur Afrika, Ghana, Uganda, Zambia, Kenya, Liberia, Tanzania, Zimbabwe, Namibia, Sierra leone iyo Muzambique.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip