Weerarki Alshabaab ee Biyacade (Sh.Dhexe) oo warar dheeri ah laga helayo

0
Saturday June 19, 2021 - 14:19:03 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerarki Alshabaab ee Biyacade (Sh.Dhexe) oo warar dheeri ah laga helayo

    Wararka naga soo gaaraya deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe Madaafiic aay ku garaaceen dagaalamayaasha Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe Madaafiic aay ku garaaceen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Tiro madaafiic ah oo dhawaqeeda hurdada u diiday dadka ku dhaqan deegaanka Biyo Cadde ayay Al-shabaab xalay ku tuureen gudaha deegaankaasi.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicda xalay lagu garaacay deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe.

Shalay ayay aheyd markii dagalamayaasha Shabaab qarax Ismiidaamin ahaa oo gaari loo adeegsaday aay ka fuliyeen Saldhiga deeganka Biyo Cadde, kaasoo sababay dhaawaca Taliyaha guutada 4-aad qeybta 27-aad Korneel Saney Cabdulle iyo afar askari oo ka mid aheyd ilaaladiisa.

Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa mudooyinkii dambe waxaa deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ku dhexmarayay dagaalo aad u xoogan oo midba midka kale ku doonayo inuu gacan ku heynta deegaanadaasi maamulo.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip