Dad udabaal degayay Kirismiska oo gaari lagu weeraray

0
Wednesday November 24, 2021 - 00:37:41 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad udabaal degayay Kirismiska oo gaari lagu weeraray

    Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, in ka badan 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii baabuur uu jiiray dad ka qeybgalayay xaflad Christmas-ka oo ka dhacday Waukesha, Wisconsin kana tirsan Mareykanka. Hal qof ayaa loo xidhay, sida ay booliis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, in ka badan 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii baabuur uu jiiray dad ka qeybgalayay xaflad Christmas-ka oo ka dhacday Waukesha, Wisconsin kana tirsan Mareykanka. Hal qof ayaa loo xidhay, sida ay booliisku sheegeen.


Booliiska ayaa goor hore ku dhawaaqay inay jiraan dhowr qof oo dhintay.Maamulka xaafadda Milwaukee ayaa sheegay in in ka badan 40 qof ay ku dhaawacmeen.

Ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxaya sababta ka danbeysa qofka gaadhiga marsiiyay goobta uu ka socda dhoolatuska.

Dhacdadan ayaa laga soo duubay muuqaal si toos ah looga daawanayay dowladda hoose, waxaana la arkayay dad badan oo qeylinayay.
Somaliska.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip