Muhaajiriin ku Dhimatay Bada u Dhaxeysa Faransiiska iyo Ingariiska

0
Thursday November 25, 2021 - 20:12:45 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muhaajiriin ku Dhimatay Bada u Dhaxeysa Faransiiska iyo Ingariiska

    Ugu yaraan 31 qof oo tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalka Ingiriiska ayaa ku qaraqmay English Channel oo ah marin biyood u dhaxeeya dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska una dhow magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 31 qof oo tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalka Ingiriiska ayaa ku qaraqmay English Channel oo ah marin biyood u dhaxeeya dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska una dhow magaalada


 
Calais ka dib markii ay la degtay doonidii ay la socdeen dadkaasi.Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa sheegay in falkaani uu yahay khasaarahii ugu weynaa ee hal mar ah tir badan oo dad ah ku dhintaan.

Raiisel wasaare Ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegay inuu aad uga naxay waxa dhacay, isaga oo intaa ku daray in UK ay sameyn doonto tallaaba kasta si wax looga qabto kooxaha dadka tahriibiya.Waxaana lagu wadaa inuu guddoomiyo kulan degdeg ah oo arrintaan looga hadlayo.


 
Doon nooca kaluumaysiga ayaa dirtay qaylo dhaan gelinkii dambe ee maanta kadib markii dadkii doontasi kaluumaysiga saarnaa ay arkeen dadka tahriibayaasha ah ee ku qaraqmay meel u dhow xeebaha badda Faransiiska.
Masuuliyiinta Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa wada hawlgal samatabbixin ah oo cirka iyo badda ah si ay u ogaadaan haddii ay cid heli karaan.

Mr Johnson waxa uu sheegay in dhimashadu ay tahay "musiibo”, isaga oo intaa ku daray inay muhiim tahay in la "jabiyo” dadka ka ganacsada rahriibinta dadka, kuwaas oo uu sheegay in ay "si dhab ah uga baxsanayaan dilka”.Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto sidii loo joojin lahaa dambiilayaasha abaabulan.

Xigasho Bbc Somali


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip