War qoraal ah oo kasoo baxay guddoonka sare ee doorashada Somaliland gaar ahaan garabka Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in la hakiyay doorashada 16 kursi oo ay horay u shaaciyeen guddiga doorashada gobolada Waqooyi.
Qoraal ka soo baxay ee lagu hakiyay doorashada 16-ka kursi waxaa ku saxiixna guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana lagu sheegay sababta loo hakiyay kuraastaasi xaqiijinta habsami u socodka iyo sugnaanta doorasho ku dhacda si xor iyo xalaal ah, islamarkaana waafaqsan habraacyadii doorashada ee horay loogu heshiiyay.
"Waxaa lagu wargelinayaa guddiyada hirgalinta doorashooyinka heer Fedaraal iyo guddiga hirgalinta doorashooyinka gobolada Waqooyi in lq hakiyay gabi ahaanba faafinta kuraasta 16-ka ah, inta go'aan laga gaadhayo lana xaqiijinaayo qoondada haweenka iyo hufnaanta doorashada" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay garabka guddoomiye Cabdi Xaashi.
Doorashada 16 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Somaliland oo la joojiyay