Maxay yihiin xayiraadaha Maraykanka uu ugu hanjabay madaxda Soomaalida ?

0
Wednesday January 12, 2022 - 20:49:16 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay yihiin xayiraadaha Maraykanka uu ugu hanjabay madaxda Soomaalida ?

    Dowladda Maraykanka ayaa baaqyadii ku aaddanaa arrimaha doorashada haatan ku badeley hanjabaad ka dhan ah dhammaan madaxda saamaynta tooska ah ku leh doorashada Soomaaliya, waa haddii doorashada goleyaasha baarlamaanka lagu soo dhamaystiri waayo xill

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Maraykanka ayaa baaqyadii ku aaddanaa arrimaha doorashada haatan ku badeley hanjabaad ka dhan ah dhammaan madaxda saamaynta tooska ah ku leh doorashada Soomaaliya, waa haddii doorashada goleyaasha baarlamaanka lagu soo dhamaystiri waayo xilliga loo asteeyay ee 25 Feberaayo, 2022-da.


Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka Ned Price oo luuqad adag ku hadlay ayaa yiri "Mareykanka wuxuu diyaar u yahay in uu qaado tallaabo ugu habboon oo ay kamid tahay, xayiraado dhanka dal ku galka ah si looga jawaabo in dib u dhaca doorashada iyo tallaabooyinka kale ee carqaladeyn karo hufnaanta doorashada" .

Haddaba maxay noqon karaan tallaabooyinka uu Maraykanka ku hanjabay iyo sooyaalka cunaqabataynaya Maraykanka ee Soomaaliya ku aaddan.

Ned Price afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda

XIGASHADA SAWIRKA,.

Qoraalka sawirka,

Ned Price afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda

Sida ku xusan bogga wasaaradda maaliyadda Maraykanka, Xafiiska la socodka hantida ee OFAC ee Maraykanka ayaa cunaqabatayntii ugu horeysey Soomaaliya kusoo rogey 2010-kii, markaas oo madaxweynaha Maraykanka saxiixay xeerka khadaraha amni ee Soomaaliya kasoo fool leh, iyada oo lala eegtay dadka halista ku ah nabadda, amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan dadka ka tirsan ururka Alshabaab.

Maraykanka ayaa meelmariyay tallaabooyin ciqaab ah oo ka dhalan kara qofkii ka hor yimaada ama carqaladeeya heshiiskii siyaasadda ee lagu saxiixay dalka Jabuuti 18 kii Agoosto, 2008-dii.

Xeerkaasi Maraykanka waxaa xitaa ka mid ah oo uu quseynayaa dowladnimada Soomaaliya ee Mustaqbalka , oo ay ka mid tahay tan hadda taagan ee muddo la'isku mari waayay arrimaha doorashada, illaa maalmo ka hor lagu heshiiyay in doorashada lasoo gebogabeeyo 25-ta bisha feberaayo.

Waxaa kale oo cunaqabataynta Maraykanka lala beegsanayaa qof kasta oo carqaladeeyo hawlgalka nabad illaalinta AMISOM ama hawlgalada nabad illaalinta ee mustaqbalka, gaarsiinta gargaarka ee dadka tabaalaysan, ka ganacsiga iyo daabulista hubka ama xitaa taageero nooc ah bixiya ee hubka la xiriirta, iyo dadka geysta gaboodfalada ka dhanka ah shacabka.

Waxaa kale oo cunaqabataynta Maraykanka ay dul hogganaysaa hoggaamiyeyaasha tabobara carruurta ama sameeya waxa loo yaqaana carruur-askaraynta

Maxay noqon kartaa cunaqabataynta ?

Sida uu qabo falanqeeye siyaasadeed, kuna xeeldheer arrimaha xiriirka caalamiga ah Shawqi Xayir oo BBC-da la hadlay, xayiraadda Maraykanka waxa ay noqon kartaa mid dhanka socdaalka ah, oo lagula eegto madaxda federaalka iyo tan dowlad goboleedyadaba.

Shaqsi waxa kale oo uu sheegay in Maraykanka ay sidoo kale cunaqabateen ku hanjabeen haddii dib u dhac lagu sameeyo doorashada ama waxyaabo carqaladayn kara.

Mar aan wax ka weeydiinay in madaxda Soomaalida u hoggaansami doonaan hanjabaaddan ayuu Shawqi yiri "Iyada oo aanba loo fiirinaynin hanjabaadda Maraykanka, waxay ila tahay in madaxda ay markab ka dhabayn doonaan heshiiskan, tusaale madaxweyne Farmaajo habbeen hore waa uu taageeray heshiiska". Wuxuuse qirey in 25-ta feberaayo ay tahay taariikh aad u dhow oo ay adagtahay in hawsha lagu dhamaystiro si kasta oo ay madaxda uga go'antahay in heshiiska la fuliyo.

Shawqi waxa uu qabaa in cunaqabataynta ay qeyb ka noqon karto mid dhaqaale, oo ah in la xayiro hantida dibedda u taala madaxda ay quseyso "Qaar ay hanti bannaanka u taalana waaba jiraan" ayuu intaasi ku daray.

"Balse haddii aan ka tusaale qaadano xaaladii Itoobiya, inta badan ciqaabtan ma saamayso madaxda ee waxay toos u saamaysaa qoysaskooda iyo qaraabadooda" ayuu yiri Shawqi.

Ugu dambeyntii waxa uu Shaqsi qabaa in luuqadda Maraykanka uu isticmaalay ay tahay "si taxadar leh ayaan uga fiirsanaynaa, ee ma aysan oran waan samaynaynaa", taas oo ka dhigan in Maraykanka uu tixgalinayo duruufaha iyo xaaladaha dabiiciga ah ee ku iman kara hirgalinta doorashooyinka.

Marka laga reebo dadka hawlaha argagixisada loo haysto iyo burcad baddeeda, ma jirto cid arrimo siyaasadeed ama dambiyada kale ee kor ku xusan loo ciqaabay.


Xigasho BBC Somaliya
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip