Warar dheeraad ah oo kusaabsan Xasuuqa Tigreega iyo Ciidamada Soomaalida

0
Friday January 21, 2022 - 20:56:17 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar dheeraad ah oo kusaabsan Xasuuqa Tigreega iyo Ciidamada Soomaalida

    Caddeymo cusub oo la helay ayaa muujinaya in ciidamo Soomaali ah ay xasuuq ka gaysteen gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, taasi oo tusmeyneysa isbaheysi cusub oo militari oo ka abuurmaya Geeska Afrika, waxaa sidaas qoray Wargeyska The Globe and Mail e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caddeymo cusub oo la helay ayaa muujinaya in ciidamo Soomaali ah ay xasuuq ka gaysteen gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, taasi oo tusmeyneysa isbaheysi cusub oo militari oo ka abuurmaya Geeska Afrika, waxaa sidaas qoray Wargeyska The Globe and Mail ee dalka Canada.

Wargeyska The Globe and Mail ayaa sheegay inuu helay caddeymo goobjoogeyaal oo muujinaya in ciidamo Soomaali ah oo ay wehliyaan kuwa Eritrean ah ay xasuuq ka gaysteen gobolka bilihii hore ee dagaalkan, oo billowday bishii November ee 2020.

Caddeymahan ayaa dhalinaya su’aalo argagax leh oo ku saabsan isbaheysiga militari ee u dhaxeeya Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya, kaasi oo burbur iyo dhimasho badan ka horseeday gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia.

Saddexda dowladood ayaa si rasmi ah u beeniyey inuu jiro isbaheysi caynkaas ah, waxaana Soomaaliya ay sidoo kale beenisay in ciidamadeed ku sugan Eritrea la geeyey gobolka Tigray.

Hase yeeshee baaritaanka wargeyska The Globe and Mail ayaa lagu helay markii ugu horreysay faah-faahino buuxa oo ku saabsan dilalka ay gaysteen askarta Soomaalida ee xulufada la ahaa kuwa Eritrea ee tegay gobolka.

Gebretsadik, oo ah 52 jir beeraley ah oo degan xaafadda Zebangedena ee gobolka Tigray, ayaa sheegay in waddooyinka xaafadiisa ay daadsanaayeen meydka baadariyaal kaniisad bishii December 2020, dhowr toddobaad kadib markii uu dagaalka billowday.
Qaar ka mid ah baadariyaashan ayuu sheegay inay ahaayeen kuwa uu garanayo. Ciidamada Soomaalida, oo ka dhinac shaqeynayey kuwa Eritrea ee qabsaday xaafadda, ayaa beegsaday kaniisadaha, waxayna dileen dadkii ka shaqeynayey, ayuu sheegay.

"Waxay u gowraceen sida digaagga oo kale,” ayuu u sheegay The Globe and Mail.

Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Eritrea ayaa xaafadda joogay illaa dhammaadkii Febraayo 2020, sida uu sheegay Gebretsadik, oo inta badan u carari jiray baadiyaha iyo buuraha, si uu uga baxsado weerarada xilligaas.

Wargeyska The Globe and Mail ayaa la hadlay tobaneeyo dad oo ka badbaaday balse goobjoog u ahaa xasuuq ka dhacay lix xaafadood oo ka tirsan Tigray, oo ay gaysteen ciidamada Soomaalida ee halkaas saldhigga uu u ahaa intii u dhaxeysay December 2020 illaa Febraayo 2021.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ay xirnaayeen dareeska ciidamada Eritrea, balse si fudud loo fahmi karay inay Soomaali yihiin, sababo la xiriira luuqaddooda iyo muuqaalkooda.

Si ka duwan Eritrean-ka, kuma aysan hadli karin luuqadda Tigrinya ee looga hadlo gobolka Tigray iyo inta badan Eritrea. Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay inay maqlayeen ciidamada Eritrea oo ugu yeeraya Soomaali.

Sanadkii tegay, QM iyo Mareykanka ayaa sheegay inay heleen akhbaaraad muujinaya in ciidamo Soomaali ah ay joogeen gobolka Tigray, hase yeeshee lagama helin faah-faahin.

Qiyaastii 10,000 oo askar Soomaali ah ayaa la geeyey gobolka Tigray, sida ay sheegeen saraakiil hore oo Ethiopian ah oo la hadlay The Globe and Mail, kuwaas oo codsaday inaan la magacaabin, si aysan u beegsan xukuumadda Abiy Ahmed.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ay xasuuqeen boqolaal shacab ah oo ku sugnaa xaafadaha ay maamulayeen militariga Eritrea, kuwaas oo qaarkood xitaa ay gowraceen. Ma jirin wax ciidan Ethiopian ah oo joogay xaafadahaas, sida ay sheegeen.

"Ma aysan muujin wax naxariis ah,” waxaa sidaas yiri Berket oo ah 32 jir beeraley ah oo ku sugan xaafadda Mai Harmaz ee gobolka Tigray. "Ciidamada Eritrea su’aalo ayey ku weydiinayaan inta aysan ku dilin. Balse Ciidamada Soomaalida marna sidaas ma sameyneyn.”

Baadari kaniisad oo ahaa 76 jir deris la ah Mai ayaa ka mid ahaa dadka ay dileen ciidamada Soomaalida, sida uu sheegay.

Kibrom, oo ah 37 jir Soomaali ah oo ka qaxay xaafadda Hamlo bishii Janaayo 2021, ayaa sheegay in gowraca ay sameynayeen ciidamada Soomaalida uu "xaqiiq maalinle ah” ka noqday xaafadda.

"Kaniisadaha waxay noqdeen guryaha ciidamada. Waxay gubeen kitaabadii. Kaniisadaha waxay noqdeen meel aan la aadi karin, sababtoo ah ciidamada Soomaalida way dilayeeen qof kasta oo halkaas taga,” ayuu yiri Kibrom.

Sida ay sheegeen saraakiil Ethiopian ah, inta badan ciidamada Soomaalida ayaa kasoo gudbay xuduuuda Eritrea oo soo galay galbeedka gobolka Tigray, toddobaadyadii hore ee dagaalka.

Waxay intaas ku dareen in ciidamada Soomaalida oo ka amar qaadanayey taliska Eritrea ay diyaar ku ahaayeen xuduudda toddobaadyo kahor inta aanu dagaalka qarxin.

"Shaki la’aan waa ay ka qeyb-galeen dagaalka,” waxaa sidaas yiri Gebremeskel Kassa, oo ahaa madax-shaqaalaha maamulkii ku-meel gaarka ee Abiy Ahmed uu u magacaabay gobolka Tigray kadib markii ciidamadiisa ay qabsadeen bilihii hore ee dagaalka.

Gebremeskel Kassa ayaa markii dambe u cararay dibedda, si uu naftiisa ula baxsado kadib markii lagu eedeeyey guulaha ay Tigray dib uga gaareen dagaalka.

Gebremeskel Kassa ayaa sheegay inuu joogitaanka ciidamada Soomaalida ku ogaaday safardii uu ku tagay gobolka Tigray iyo kulamadii uu la yeeshay saraakiisha iyo jeneraalada Ethiopia.

"Dhammaan inteena xilalka sare hayey waan ogeyn arrintan,” ayuu u sheegay The Globe and Mail. "Ciidamada Soomaalida waxay tababar ku qaateen xerada Sawa ee Eritrea, taasi oo qeyb ka aheyd heshiis militari oo dhex-maray saddexda dowladood kahor dagaalka.”

Kadib markii arrintan ay muran badan ka dhalisay Soomaaliya, gaar ahaan markii ay banaanbaxyo dhigeen waalidiinta askarta, ciidamada Soomaalida waxaa dib loogu celiyey Eritrea, ayuu yiri.

"Waxay gebi ahaan ka baxeen gobolka bishii March,” ayey yiraahdeen saraakiisha.

Heshiiska saddex geesoodka militari ee Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa si sir ah loo gaaray 2018-kii markii uu xukunka qabtay Abiy Ahmed. Heshiiskan ayaa dhabar-jab weyn ku ah saameynta sii yaraaneysa ee reer galbeedka ay ku leeyihiin Geeska Afrika.

Madaxweynaha kali-taliska ah ee Eritrea, Isaias Afwerki ayaa ah cayaaryahanka ugu muhiimsan isbaheysigan.

"Wuxuu tani u arkaa fursad uu dib ugu qaabeyn karo Geeska Afrika oo dhan oo uu u jeedin karo dhankiisa,” waxaa sidaas yiri Martin Plaut, oo ah khabiir British ah oo ku takhasusay arrimaha Eritrea.

"Ka qeyb-gelinta ciidamada Soomaalida waxay aheyd tallaabadii ugu horreysay xiriri aad u qota dheer una muhiimsan oo uu isku dayayey inuu dhiso, kaasi oo isaga uu noqon lahaa boqorka,” ayuu Plaut u sheegay The Globe and Mail, isaga oo ka hadlaya xiriirka saddex geesoodka.

"Tan iyo 1970-maadkii ayuu daba socday damaciisa ah inuu burburiyo Tigray-ga. Si uu ugu guuleysto, wuxuu jeclaa inuu aas-aaso xiriir dhowr qaran ah oo ka hirgala Geeska Afrika, kaasi oo dalalka ay u jirayaan si iskood ah balse ay is-taageerayaan, halka ay baabi’inayaan dhaq-dhaqaaqyada gudaha.”

 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip