Germany: 4 qof oo ku dhaawacantay toogasho ka dhacday jaamacada Heidelberg

0
Monday January 24, 2022 - 20:59:39 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Germany: 4 qof oo ku dhaawacantay toogasho ka dhacday jaamacada Heidelberg

    Booliiska magaalada Heidelberg ee Koonfur-galbeed ee Jarmalka ayaa maanta oo Isniin ah sheegay inay hawlgal ballaaran ka wadaan jaamacadda magaaladaas, kaddib markii afar qof ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliiska magaalada Heidelberg ee Koonfur-galbeed ee Jarmalka ayaa maanta oo Isniin ah sheegay inay hawlgal ballaaran ka wadaan jaamacadda magaaladaas, kaddib markii afar qof ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday.

Maamulka ayaa sheegay in nin uu la soo galay hoolka Jaamacada oo ka socotay muxaadaro, isagoo wata qori dheer kadibna uu rasaas ku furay.

 Wakaalada wararka ee Jarmalka ee DPA ayaa sheegtay in hal qof oo dumar ah ay u dhimatay dhaawacii soo gaaray ka dib markii madaxa laga toogtay, iyadoo soo xiganeysa laamaha ammaanka.

 Booliska ayaa sheegay in ninkii toogashada geystay oo u muuqday in uu keligiis falka geystay uu dhintay. Booliiska ayaa warbaahinta Jarmalka u sheegay in ninka toogashada geystay uu isagu isku dilay hubkii uu watay.

Somaliska

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip